Ayaan Xirsi Cali

Ka Wikipedia
Ayaan Xirsi Cali
Ayaan Hirsi Ali, 2016
Ku dhashayAyaan Hirsi Magan
(1969-11-13) 13 Nofeembar 1969 ( 54jir)
Muqdisho, Soomaaliya
Dhalasho United States
Heerka AqoontaLeiden University (MSc)
De Horst Institute (P)
ShaqadaSiyaasi, qoraa
Loo yaqaanoSubmission
Infidel
gudniinka fircooniga
Xuquuqda Dumarka
Mucaarad ku ah Islaamka
Xisbiga siyaasadeedDutch Labour Party (2001–2002)
Xisbiga shacabka iyo xoriyada Holalnd (2002–2006)
XaasaskaNiall Ferguson (hal cunug)

Ayaan xirsi cali (ku dhalatay Muqdisho 13 Nofeembar 1969[1]) waa mid ka mid ah dadka dunida ugu caansan. waxay tahay qoraa, aqoonyahan iyo siyaasi hore[2].waa gabar soomaaliyad oo Majeerteen ah, oo heesato dhalashada dalalka Holland iyo Maraykanka, waxaana dhalay aqoonyahankii waynaa ee Xirsi Magan Ciise. Waxay soo caan baxday marka ee ka soo horjeesatay guurka qasabka ah , dil sharafeedka oo dhaqan ka ah dalal ku yaalo aasiya, guurka ilmaha iyo gudniinka gabdhaha[3][4]. Waxaa ay u ol'olaysa xuquuqda dumarka, ayada oo aasaastay hayaad lagu magacaabo AHA Foundation (ururka AHA) .

Ayaan waxaa dhalay Xirsi Magan Ciise oo ahaa siyaasi iyo bare. Ayaan ayaa ku dhalatay diinta islaamka kadibneh way ka baxday diinta, waxayna noqotay mid aan diin laheen [5], kadibneh waxay bilaawday in ee diinta islaamka ka soo horjeesato. waxay samaysay qoraallo iyo filimo ka soo horjeeda Diinta Islaamka. Waxyaabha lidka ku ahaa Islaamka ayaa waxaa ugu caansanaa filimka Submission oo ah filim yar ee la sameesay nin lagu magacaabo Theo van Gogh, (Is-Dullayn), iyo buugeedii Infidel (Gaal), kuwaasoo ka caraysiiyey dadka Islaamka ah, sababyna in kooxo Islaam ahi ugu hanjabaan in la dilayo.

Hanjabaadihii lala beegsaday Ayaan waxay ku khasbeen in ay ku hoos noolaato ilaalo iyo inay ku jirto dhuumaalaysi iyo baxsi ay nafteeda ku badbaadinayso, haseyeeshee waxay dhanka kale kaga kasbatay abaal marino dhowr ah kooxihii fikirkeeda aaminsanaa. Sanadkii 2005 waxaa Ayaan lagu xusay joornaalka Time iyadoo joornaalkaasi ku daray Ina Xirsi Magan liiska 100 qof oo adduunka ugu dhiirranaa waqtigaas[6].

Dibadda tixraacyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. https://www.britannica.com/biography/Ayaan-Hirsi-Ali. Soo qaatay 1 January 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. . 16 May 2016 https://www.theguardian.com/world/2016/may/17/ayaan-hirsi-ali-qanda-west-muslims-only-as-victims. Soo qaatay 1 December 2016.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. . 24 February 2017 http://nytlive.nytimes.com/womenintheworld/2016/04/10/women-in-islam-you-cant-change-these-practices-if-you-dont-talk-about-them/. Soo qaatay 24 February 2017.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. http://conversationswithbillkristol.org/video/ayaan-hirsi-ali/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . 2014 https://www.atheists.org/2014/07/american-atheists-islam-critic-womens-advocate-ayaan-hirsi-ali-to-be-2015-convention-keynote/. Soo qaatay 10 October 2018.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named time