Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

Ka Wikipedia
waaIsmaaciil Beeldaaje Yaasiin
Beeldaaje Calbari



2012 ilaa Hadda
Dhashay: 1989
Ku dhashay: Caluula , Soomaaliya
Magaca oo Carabi ah:
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaali


Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin (Beeldaaje Calbari) wuxuu ka midyahay Isimada ugu magac dheer Puntland iyo walibaSoomaaliya, wuxuu ka qayb qaatay nabadeynta beelo badan oo walaalo ah.[1]

Taariikh Nololeedka Beeldaajaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Beeldaaji Cali, wuxuu noqday Beeldaajihii 11aad ee Cal-Bari, uguna da’da yaraa, inta taariikh ahaan la xasuusto. Waxaa caleemo saarkiisa hareeyey dareen xiiso iyo xamaasad leh. Soo dhowayn ballaaran oo kal iyo laab ah ayuu kala kulmay guud ahaan deegaanka uu hogaamiye dhaqameedka u noqday. Beeldaaje Ismaciil wuxuu ku dhashay magaalada Ceelquud oo ka tirsan Degmada Caluula, 1980aadkii sida la ii sheegay. Balse wuxuu intiisa badan deegaan ku ahaa magaalada Bosaso. Wuxuu ka mid noqday dhalinyarada ku garaadsatay burburka dabada dheeraaday ee dhammaan wadanka halaakeeyey.


Heer Aqooneedka Beeldaaje Ismaaciil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku qaatay magaalada Boosaaso (BPSS) ilaa heer-Jaamacadeed halkaas oo uu ku diyaariyay kuliyadda shareecada iyo qaanuunka Jaamacadda Muqdisho . Sidoo kale waxaa lagu yaqaan in barashada diinta islaamka uu aad ugu fiicnaa, jacaylkiisa diintana uu doortay kulliyaddaas. Wuxuu ku caan noqday , sida aabihiis allaha u naxariistee Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Cali, in uu waqtigiisa inta badan ku qaato ku negaanshaha masjidka.


Dabeecadaha Beeldaaje Ismaaciil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Goor hore ayaa, dhab ahaan, dad badan la jeclaadeen in uu hogaamiye noqdo; dhowrsoonaanta iyo hawlkarnimada ka muuqata awgood iyo marka la isu geeyo:

  • Dabcigiisa qofnimo ee wanaagsan iyo Ilaah aqoontiisa
  • Waxbarashadiisa
  • Iyo bii’ada uu kasoo jeedo ama uu sida gaarka ah u hogaaminayo oo, ilaa xad, dhaqan nololeedkeedu toosan yahay.


Caanashubkii Beeldaaje Ismaaciil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

28ka February 2010ka waxay noqotay maalintii gudoonka dhaqanka ee Cal-bari loo dhiibay Beeldaaje Ismaaciil, waxay ahayd maalin si wayn loo sugayey. Waxaa rajo wacan lagu qabi karaa in uu yahay ruux wanaag badan la imaan doona. Waxaa ka soo qaybgalay xafladii caana-shubka beeldaajaha badi isimadda soomalida kuwaasoo ka kal yimid daafaha soomaliya iyo waliba wadamada dariska la ah Somalia.


Doorkiisii dib u yagleelidda siyaasadda Dalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje Yaasiin wuxuu ka midyahay 130 isin ee Soomaaliya laga ictiraafsanyahay, wuxuu ka qaybqaatay shirar badan oo lagu wanaajinayay siyaasadda dalka laguna heshiisiinayay beelo badan oo walaalo ah ee uu xufaaltaan iyo dirir dhex martay, halkaan waxaan kusoo koobaynaa qaybo ka mida dadaaladiisii nabadeeyn iyo dib u wanaajin ee uu ka gaystay dalkiisa Soomaaliya iyo waliba deegaanka uu ka soo jeedo ee Puntland

  • Waxaa uu gudoomiye kuxigeen ka ahaa heshiiski lagu dhex dhexaadinayey shaqaaqadi dagaal beeleedki kadhacay tuulada igadhays katirsan Gobolka Bari sanadkii 2009-2010 [2]
  • Waxa uu gudoomiye loogu doortay heshiisiinta beelo walaalo ah ay shaqaaqo ku dhex martay deegaanyo ku kala yaal karkaar iyo hayland, heshiiskaas oo markii dambe guul kusoo dhamaaday laguna soo afmeeray degmada Carmo ee Gobolka Bari
  • Waxa uu kamid yahay 135 isin ee kaqaybqaatay dhismihii dowladda Somalia laga aqoon sanyahay una diiwan gashan dowladda iyo geeska Africa oo dhan
  • Waxaa uu xubin muhiim ah kayahay isimada Puntland aabihiisna Beeldaaje Yaasiin uu kamid ahaa isimadi dhidibada u taagay Puntlad 1998, waxaana uu sabab unoqday in ay Garowe noqoto magaalo madax oo usababeeyey in ay tahay meel dhex unoqon karta goboladii markaa asaasay puntland
  • Waxay ku amaaneen gudigii doorashada Puntland 2016 sidii uu soo xulay ergada ka koobnayd 51 qaybtaas oo beesha u kasoo jeedo aad ugu qanceen cadaaladda uu kamaray gudigii heer Puntland iyo waliba dowladda federalka somalia.


Refrences (Tixraacyo)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. https://www.daljir.com/beeldaaje-ismaaciil-beeldaaje-yaasiin-oo-baaq-nabadeed-u-diray-laba-ardaa-oo-ku-dagaalamay-uurjire-uur-hooyo/.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. http://www.allceegaag.com/fiinyarebackup/Qoraalada/2009/Oct%202009/shir_looga_hadlaayo.htm.  Maqan ama ebar |title= (caawin)