Feedh

Ka Wikipedia

Feedh

Iskuxidhka Feedhaha
Feedh ka mid ah Feedhaha dadka.

Feedh oo wadarteedu tahay Feedho (ingiriis: Rib) waa qaab-dhismeedka lafaha ku wareegsan sambabada, wadnaha iyo inta ku dhexjirta laabta ubucda jidhka dadka iyo xayawaanka. Feedhaha waxaa leh xayawaanka lafdhabarleeyda ah, sida dadka, libaax IWM.

Feedhuhu waxay kaalin lixaad leh ka qaataan habka neefsiga ayagoo marna kala baxiya laabta hadana isku soo celiya. Sidoo kale, Feedhuhu difaac ayay u yihiin xubnaha muhiimka ah ee sambabada, wadnaha xubnaha kale ee laabta kuwaas ooy ku dahaaran yihiin. Xayawaanada qaar, sida maska oo kale, feedhuhu difaac ayay u yihiin gebi ahaan jidhka.