Sambab

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan sanbabada.
Boga "Sanbab] halkan ayaa laga soo toosiyay
Sambabada dadka ama bini aadamka
Labada Sambab, wadnaha iyo xididaha dadka oo lagu daray feedhaha ayaa waxa la isku yidhaahdaa laab.

Sambab, Sanbab (Af-Ingiriis: lung; Af-Carabi: رئة) (wadarteedu tahay Sambabo; magaca Saynis: pulmonarius) waa xubnaha neefsiga ee dadka iyo xayawaanka. Naasleyda iyo dhamaan noocyada kale ee noolaha labada Sambab waxay ku leeyihiin laabta dhexdeeda, gaar ahaan meel u dhow wadnaha.

Sambabadu waxay ka tirsan yihiin qaab-dhismeedka ubucda jidhka noolaha, waana xubin muhiim u ah jiritaanka iyo nolosha dhamaan noolaha.

Shaqada ugu wayn ee Sambabadu waa ineey soo ururiyaan hawada ogsajiinta ku jirta cirka ayadoo soo dhex maraysa sanka, dhuunta ilaa sambabada oo u sii gubiya xididdada dhiiga qaada ilaa dhamaan unugyada jidhka. Sidoo kale, dib uga soo qaadaan unugyada hawada eey isticmaaleen ee kaarboon-labo-ogsaydh.

Muuqaalka Sambabada dadka.