Faransiyaam

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Francium)

Faransiyaam

Faransiyaam (ingiriis: Francium) astaanta (Fr) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay sideetan-iyo-todoba.

Curiyaha Faransiyaam waa bir ka tirsan curiyayaasha guruubka 1aad, (Birta Alkali), ee Diwaanka Curiye.

Markii u horeeysay curiyahan waxaa helay saynisyahan Faransiis ah Marguerite Perey sanadkii 1939kii, kaas oo ugu magac daray wadankiisa.

Faransiyaam waa bir ka tirsan birta alkali taas oo leh midab cowlaan-, jilicsan, miisaankeeduna yahay 223.

Si la mid ah curiyayaasha ay la guruubka tahay, Faransiyaam waa mid aad u firfircoon oo si degdeg ah ula falgalsha hawada, biyaha iyo dhamaan curiyayaasha ay la kulanto.

Curiyaha faransiyaam sida dabiiciga ah waxa la helaa asagoo radioactive khatar badan ah, midaas oo wakhtigii hore loo yaqaaney actinium.

Faransiyaam waa curiye aad ugu yar oogada dhulka, waxaana lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 20 g ilaa 30 g in laga heli karo carada intii mudo ahba.