Geri

Ka Wikipedia
Gari

Geri (english- giraffe) waa xayawaanka ugu dheer aduunka marka la fiiriyo kuwa dhulka ku nool. Kan ugu dheer dherekiisa waxa uu gaaraa ilaa 5 mitir, culeyskiisane waa 1.100 kg. Geriga waxoo ku noolyahay Afrika, gaar ahaan bariga afrika. Soomaaliya woo ka buuxaa, siiba koonfurta soomaaliya, sidoo kale woqooyiga wuxu waqti hore ku noolaan jirey gobolka Sanaag. Gariga waxaa lagu yaqaanaa, isla socodka sida guutatada ah, waxeena gaarayaan 50 gari marka ee isla soconaayaan. Gariga marka oo daaqaayo, waxoo fiirsadaa, geedaha dhaadheer. gariga waxoo caleemo ka soo goosan karaa, geedaha qumbaha dhalo ama lagu magacaabo Geed Qumbay, waxaana sii caawin karo, carabkiisa oo gaareeso 45 cm. Gariga waa xayawaan tuuteesan, waxoo jirka ku leeyahay, dhibco dhibco sida shabeelka ama haramcadka. Gariga badanaa wee dagaaltamaan, ayaga oo qoorta isku duuduubo ama labada gees isku mudaan. Gariga waxoo uur lahaadaa 14 ilaa 15 bilood. ciyaalka marka ee dhalanaayaan neh, dhirirkooda waxee gaarayaan 2 mitir. gariga waxee ku dhashtaa istaag, marka oo cunuga dhalanaayo neh, dhulka ayoo ku soo dhacaa. saacado kadib neh, gariga woo istaagaa, waxoona raacaa hooyadiis, ilaa 18 bilood. gariga waxoo noqon karaa 25 sano, laakiin kuligood ma ahan, boqolkiiba 50 ama 25 oo ciyaalka ah, ayaa gaari karo da'daas.

Sawir taariikhi ah, Nin shiinees oo gari ka soo ka xeestay Soomaaliya una waday dalka Shiinaha, sanadka marka oo u dhaxeeyay 1368 ilaa 1664