Ilkaha hoose

Ka Wikipedia
Qaabdhismeedka ilkaha dadka.
Gows dambeed.

Ilkaha Hoose (Af-Taliyaani : dente mandibolare Af Ingiriis : mandibular tooth) waa toban-iyo-lixda ilkood ee hoose ee afka dadka xaga hore kaga taala.

Ilkaha hoose waxaa ka mid ah afarta fool ee hoose, labada mici ee hoose iyo tobanka gows ku kala yaala labada daan ee hoose.

Cilmiga barashada, daawaynta iyo fahanka ilkaha iyo ciridka aadamaha waxaa loo yaqaanaa "Dental". Ilkaha oo dhamaantood ah 32, ayaa waxa loo kala saaraa Ilkaha sare iyo ilkaha hoose.

Ilmaha yar ee dadku wuxuu leeyahay 20 ilig, laakiin qofka qaangaadhka ah wuxuu leeyahay 32 ilig oo u kala baxa 4 fool, 20 gows, 4 mici iyo 4 ilig. Sidoo kale, ilkuhu waxay ku kala yaalaan daanka sare - oo leh 16 ilig - iyo daanka hoose oo leh 16 ilig.