Korona fayras

Ka Wikipedia

Korona fayras (Coronavirus) waa koox Fayras ah oo ku dhaco xayawaanaha iyo shimbiraha kadib si naadir ah ugu sii gudbo bini aadamka.[1] Caabuqa Korona fayras wuxuu sababaa infekshannada neef-mareenka kaasoo u dhexeeya mid khafiif ilaa mid dilaa ah. Fayraska wuxuu shimbiraha iyo biniaadamkaba u sababaa caabuqa neef-mareenka oo ah mid khafiif, sida hargabka caadiga oo kale. Fayraska waxaa la ogaaday 1960yadii, xiligaa kadib neh waxaa jiray khibrado ballaaran oo ku saabsan fayraska ku dhaca xayawaanka ee u gudbo biniaadamka.

Daahfurka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Korona fayras waxaa la ogaadey 1960-yadii.[2] Kuwa ugu horreeya ee la helay waxay ahaayeen cudurka bakteeriyada boronkiitada faafa ee digaagga iyo laba fayras oo ka imanaya godadka sanka ee bukaannada bini-aadamka ee qaba hargabka caadiga ah, oo markii dambe loogu magac daray Korona fayraska aadanaha 229E iyo Korona fayraska aadanaha OC43.

Fayraska Wuhan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nooc ka mid ah Fayraska karona ayaa laga helay magaalada Wuhan ee dalka shiinaha bishii diseembar 2019.

Fayraskaan oo loogu magac daray (COVID-19) wuxuu gaaray dalal badan oo ka mid ah caalamka.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]