Portal:Afrika/Wadanada/Wadan xul ah/1

Ka Wikipedia

Jabuuti (Af Ingiriis : Djibouti; Af-Canfari: Gabuuti; Af Carabi : ar‎) loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Soomaaliya oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed. Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa ciise iyo canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1830-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee jabuutti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaa gacanta ku haysay. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii 1977 jabuutti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaaraya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Ethiopia oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada jabuuti , raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed diini Axmed) ,baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi aw ka koobaadi yahaw madax waynaha , madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 diisanbar mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca Siyaasadda ahaa madaama aw xisbi kalaatahay katalinaayay dalka waa RPP , Koox aw hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka , Dawladda jabuutti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. waa wadanka ugu yar geska africa waxa madaxwene ka ah Ismaaciil Cumar Geelle.