Portal:Afrika/Wadanada/Wadan xul ah

Ka Wikipedia

Wadan Xul ah/1[wax ka badal xogta]

Jabuuti (Af Ingiriis : Djibouti; Af-Canfari: Gabuuti; Af Carabi : ar‎) loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Soomaaliya oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed. Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa ciise iyo canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay somaalidu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto . 1830-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee jabuutti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka soomaalida ee faransiiska gumaysto taasi oo aad ka dareemi kartid in cidda dhulka loogu yimid amma gumaystihii faransiiska waxlasaxeexatay ay ahayd qowmiyada soomaalida ooiyadu hogaanka dhaqan dhaqaaleh ee jiidaas waqtigaa gacanta ku haysay. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii 1977 jabuutti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaaraya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Ethiopia oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada jabuuti , raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed diini Axmed) ,baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi aw ka koobaadi yahaw madax waynaha , madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 diisanbar mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca Siyaasadda ahaa madaama aw xisbi kalaatahay katalinaayay dalka waa RPP , Koox aw hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka , Dawladda jabuutti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. waa wadanka ugu yar geska africa waxa madaxwene ka ah Ismaaciil Cumar Geelle.
fiiri - wadahadal -


Wadan Xul ah/2[wax ka badal xogta]

Mali

Mali(Af Carabi : ar‎) waa wadan kamida wadamada kuyaala galbeedeka Afrika xuduudaha maali waa sidan dhanka waqooyi waxa kaga aadan wadanka Aljeeriya barigana waxa kaxiga wadanka Nayjar. dhanka koonfurta waxa kaxiga wadamada. Burkina Faso iyo Xeebta Foolmaroodi waxa kale oo dhanka galbeed ay maali xuduudo kala wadaagtaa wadamada. Sinigaal iyo mauritania. badka ay maali ku fadhido waxa lagu qiyaasaa, 1,240,000km².tirada dadka kunooli qiyaastii waa, 14.5 milyan oo qof caasimaduna waa magaalda Bamako. waxa ay maali ka koobantahay sideed gobol oo waawayn xuduudeeda waqooyi waxa ay soogaadhaa badhtamaha Saxaarawayn. laakiin dhanka waqooyi oo ah halka dadka ugubadani ay kunoolyihiin waxa mara wabiga Wabiga Nijer dhaqaalaha ugubadan ee wadankuna waa beeraha iyo xoolaha. waxa kale oo maali laga hela waxyaabo dabiiciya sida dahabka yuraaniyoomka iyo xadiidka. farnsiisku waxa uu maali qabsaday dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad.
fiiri - wadahadal -


Wadan Xul ah/3[wax ka badal xogta]

Sinigaal (Af-Faransiis le Sénégal‏) waa wadan kuyaala galbeedka qaarada Afrika si rasmiyana waxa loogu magacaabaa (République du Sénégal) wadankani magaca waxa uu kahelay wabiga lagu magacaabo Sinigaal ee hareeraha kamara Sinigaal waxa ay xad kuleedahay Badweynta Atlaantik waxa ay xuduudo la leedahay wadama Mauritania Gambiya iyo wadanka Guinea waxa kale oo ay xuduud la leedahay wadanka Mali wadankan waxa horay u gumaysan jiray wadanka Faransiiska Sinigaal waxay masaaxo ahaan ku fadhidaa dhul lagu qiyaasay 197,000 oo isku wareeg ah dadka kunooli waxa ay gaadhayaan 13.7 milyan oo qof Dakar waa caasimada Sinigaal waxa ay kutaalaa dhanka Galbeed ee wadanka waxa ay sadex boqol oo klm u jirtaa xeebaha Badweynta Atlaantik magaalada Dakar waxa ay noqotay caasimada Sinigaal sanadii 1960.kadib madaxbanaanida. Islaamku waxa uu Sinigaal galy qarnigii 11aad waxa islamka wadanka Sinigaal soogaadhsiiyay qabiilada looyaqaano[sanaahija]] oo kudhaqan galbeedka Afrika gaar ahaan Mauritania magaca Sinigaal waxaa lagasoo qaatay luqada walaf ee sida aadka ah loogaga hadlo wadamo badan oo kamida galbeedka Afrika
fiiri - wadahadal -


Wadan Xul ah/4[wax ka badal xogta]

Lesotho ama Boqortooyada Lesotho waa wadan yar oo ku yaalo koonfurta hoose ee qaarada Afrika. Wadankaan wax xeeb ah badda kuma lahan, waxaa ku wareegan dalka Koonfur Afrika. Lesotho waxaa la abaabulay 1822di, waxaana gumeesan jiray gumeestihii ingriiska. wadankaan markiisa hore waxaa la dhihi jiray "Basutoland" waxaana loogu magac daray qoomiyada degan oo la dhoho "sotho".
fiiri - wadahadal -


Wadan Xul ah/5[wax ka badal xogta]

Saldanadii Cadal (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Adal; micno ahaan "Cadaalad") (sidoo kale loo yaqaanay Boqortooyada Adal) waxay aheyd boqortooyo xukumi jirtay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Awdal ee waqooyiga Somaliland, meelo ka mid ah dhulka Itoobiya iyo Jabuuti ilaa Eratareya. Boqortooyada Cadal waxey ka mid ahayd boqortooyada ugu taariikhda dheeraa uguna awooda weynaa gayiga iyo deegaanada ay dagaan dadka Soomaalida iyo agagaarkooda. In kastoo boqortooyadu ka bilaabantey magaalada taariikhiga ah ee xudunta u ahayd ee Saylac waxay saldhigyo waaweyn ku lahayd magaalada Harare iyo nawaaxigeeda. Magaalada Saylac ayay ka bilaabantey boqortooyadu ka dib ku fidey deegaanka geeska Afrika. Sanadihii 1415 ilaa 1577 ayay boqortooyada Cadal ugu awood badneyd goortaas ooy maamuleysay in ka badan shan kun oo kilomitir isku wareeg ah. Boqortooyada Cadal sidoo kale loo yaqaano Adal waxa lagu xasuustaa dagaalo waaweyn oo ay inta badan la galeen Itoobiya.
fiiri - wadahadal -