Lamadegaanka Saxara

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Saxaara)
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan "Lamadegaanka Saxara" ee waqooyiga Afrika. Bogag kale fiiri Lamadegaan iyo Lamadegaanka Kalahari.
Maqaalka Saxara iyo Sahara waxaa laga soo toosiyay halkan.


Lamadegaanka Saxara
Sahara satellite hires.jpg
Sawir hawada sare ah oo qaadey NASA.
Countries Aljeeriya, Jad, Masar, Liibiya, Maali, Mauritania, Marooko, Nayjar, Suudaan, Tuuniisiya
Highest point Emi Koussi 11,204 ft (3,415 m)
 - coordinates 19°47′36″N 18°33′6″E / 19.79333°N 18.55167°E / 19.79333; 18.55167
Lowest point Dooxa Qattara −436 ft (−133 m)
 - coordinates 30°0′0″N 27°5′0″E / 30.00000°N 27.08333°E / 30.00000; 27.08333
Length 4,800 km (2,983 mi), E/W
Ballac 1,800 km (1,118 mi), N/S
Area 9,400,000 km2 (3,629,360 sq mi)
Biome Lamadegaan

Lamadegaanka Saxara, Saxaraha Saxara (ingiriis: Sahara Desert; carabi: الصحراء الكبرى, “lamadegaanka weyn ee saxara”) waa lamadegaanka ugu kuleylka badan aduunka, iyo midka sadexaad ee ugu weyn, marka laga reebo Lamadegaanka Antaraktika ee Cidhifka Koonfureed iyo Lamadegaanka Araktika ee Cidhifka Waqooyi ee dhulka, kaasi oo ku fadhiya deegaan baaxadiisu le'eg tahay 9,400,000 kilometir labo-laaban (3,600,000 sq mi) - midaasi oo u dhiganta iskudarka (wadarta) dhulka laboda wadan ee Mareykanka iyo Shiinaha. Saxarahani wuxuu ku yaala wadanada Waqooyiga Afrika ee laga bilaabo Suudaan, Liibiya ilaa bada Midatareeniyaanka, Aljeeriya, Tuuniisiya, Marooko, Masar, Mauritania, Saxaraha Galbeed, Jad, Maali, Nayjar ilaa laga gaadho wadanada dhinaca ku haya lamadegaanka ee bariga ilaa galbeedka Afrika. Carotuulka meelo badan oo ka mid ah saxarahan waxay gaadhaan dherer joog ah oo dhan ilaa 180 metres (590 ft). Magaca Saxara waxaa laga keenay ereyga “صحارى” "ṣaḥārā" ee luuqada Carabiga ah.

Muuqaalka Saxaraha Liibiya


Lama degaanka wayn ama Saxraha weyn waa dhul aad u weyn oo oomane ah. waa dhulka ugu balaaran oo woqooyiga afrika dhaca, waana saxaraha ugu wayn aduunka uguna kulul, 9 milayan oo km isku weer. waxaa ku badan togaga biyaha,


waxa kale oo saxaraha lagu yaqaanaa in maalintii ay tahay kuleel habeenkiina ay tahay qabaw aad udaran,

Lama degaankaan aya kulansanaya kow iyo toban dowladood: Masar, Suudaan, liibiya, tunisiya, Marooko, Aljeeriya, nayjar,Mooritaaniya, jad, maali, Eritrea ,lama degaankan ayaa jeexa wabiga ugu dheer dunida ee Niil,

Meelaha ugu muhiimsan ee ku yaal saxaraha weyn ee afrika.

Aragti Guud[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolka saxaraha wayn waxaa galbeed bada atlaantiga, buuraha adlas iyo bada dhexe woqooyi, bada casna bari bay ka xigtaa, sudaan iyo toga nayjar koonfur, waxaa loo qaybiyaa mandiqada saxaraha wayn qaybo kala duwan sida: saxaraha galbeed, buuraha Hoggar, iyo buuraha Tibesti (Tibesti Mountains), buuraha cayr (Aïr Mountains) waana meel buuro qarfo badan, saxaraha teenaari (Ténéré), saxaraha liibiya (Libyan Desert) waana meesha ugu oonka badan, Cirifka ugu sareeya saxaraha wayn waa (Emi Koussi) dhirirkeedu 3,445 mitir (11,302 fiit) waxayna dhacdaa buuraha tibisti ee wadanka jad.

Dowladaha dhaca lama degaanka weyn[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

toban wadan ayaa si wayn u matala saxaraha weyn

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]