Portal:Cilmi Fallag/Maqaal Xul Ah

Ka Wikipedia
Sawir dhulka ha

Dhulka (ingiriis: Earth, Carabi: أرض) waa meereha sadexaad ee qoraxda u dhow ee Bahda Midaysay Qoraxdu. Waa meeraha ugu muga iyo miisaanka weeyn iyo midka shanaad ee ugu xajmiga weeyn sideedda meere eeBahda Qoraxdu Midaysay.

Dhulka waxa lagu naaneeysaa Meeraha Midabka Buluugan Meeraha Midabka Buluugan sababtoo ah marka hawoda sare laga soo fiirinayo waxa muuqda midabka buluuga.

Dhulku waa meereha kaliya ee nolol ka jirto dhamaan meereyaasha aan naqaano. Waxa lagu qiyaasaa meeraha dhulka in da'diisu ku dhowdahay 4.5 bilyan oo sanno.

Dhulka isku-wareegiisa (Circumference) waa 40,007.86 km marka laga xisaabayo dhul badheha, sidoo kale baaxada guud ee oogada dhulku waa 510,072,000 km2 - taas oo ka kooban 148,940,000 km2 "148,940,000 km2" dhul ama caro iyo dhagax ah una dhiganta 29.2 %; iyo 361,132,000 km2 biyo iyo bad ah, taas oo u dhiganta 70.8 %.

Muga dhulku waa 1.08321 ×10 12 km3 halka cufka meeraha dhulku yahay 5.97219 ×10 24 kg.

Sidoo kale, miisaanka cuf ee dhulku waa 5.515 g/cm3, "cufka dhulku waa 5.515 g/cm3" halka cufisjiidadka dhul badhehu yahay 9.780327 m/s2 taas oo u dhiganta 0.99732 g. Cadaadiska dunidan waa 101.325 kPa (MSL).

Kaydka... Aqri dheeraad...