Portal:Cunto/Hordhac

Ka Wikipedia

Cunto (sidoo kale loo yaqaano Raashin) waa wax kasta oo la quuto si looga helo nafaqo iyo awood jidhka nooluhu u baahan yahay. Cuntadu waa walax nooluhu quutaan taasi oo unugyada jidhka siisa tamar ay ku shaqeeyaan. Sida caadiga ah cuntada waxaa laga helaa dhirta iyo xayawaanka; waxayna ka kooban tahay nafaqo: dux (baruur), borotiin, fiitamiin, macdano iyo noocyo kale oo nafaqo ah kuwaasi oo taageera isla markaana tamar uu ku socdo siiya xubnaha jidhka. Walxaha cuntada waxa inta ugu badan laga qaataa afka waxayna tegtaa caloosha halkaasi oo unugyada jidhku u sii kala jebiyaan walxo yaryar, isla markaana loo isticmaalo awood ahaan, si noloshu u sii jirto.