Portal:Somaliland/Maqaal xul ah/1

Ka Wikipedia
Magaalada Borama

Boorama (sidoo kale loo yaqaano Borame iyo Boorame) waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Somaliland, iyo fadhiga dowlada Degmada Boorama. Boorama waxay u dhowdahay xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Magaaladan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal. Deegaanka magaaladu ku taalo waa dhul sare oo buuroleey ah, midaasi oo ka dhigta qaboow wakhtiga jiilaalka.

Magaalada Boorama waa saldhiga waxbarashada dalka Somaliland, waxaa ku yaala dugsiyo, koolejyo iyo jaamacado badan; midaasi oo sababtay in Boorama loo bixiyo "hooyga waxbarashada shacabka Soomaaliyeed". Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud. Intaasi waxaa dheer in Borama tahay meeshii lagu aasaasay heshiisyadii beelaha waqooyiga Soomaaliya ka dib dagaaladii sokeeye ee 1991kii.