Portal:Turkiga/Maqaal Xul Ah/1

Ka Wikipedia

Jimciyadda Midowga Terraki (Af-Turki: İttihad ve Terakki Cemiyeti) Billowgii waxaa lagu aasaasay magaca "Jimciyadda Midowga Cusmaaniyiinta" (Af-Turki:İttihad-ı Osmanî Cemiyeti) ee 1889 araday caafimaad waxa ka mid ahaa "Ibraahim Satrof" iyo "Cabdalla Godit". Waa dhaqdhaqaaq mucaarad iyo "xisbi siyaasigii ugu horreeyay" ee Cusmaaniyiinta. Waxa looi bedelay urur siyaasi ah una bedelay "Bahaa'uddiin" waxaa ku biiray "Dhallinyarada Turkiga" ee 1906 xilligii burburka dawladdii cusmaaniyiinta.

Dhammaadkii Dagaalkii koowaad kadib badankood xubnihii ururkaas waxaa la saaray Maxakamadda Dastuuriga ee Maxamed kii lixaad ee cusmaaniyiinta si loo xidho. Jimciyadda waxa ay galeen ama gaareen xukunka halka u sarraysa ee dawladdii cusmaaniyadda markii wax laga bedelay saldanadda loona bedelay boqortooyo dasturi ah iyo soo yareenta awoodaha Suldaanka ee xilligaas Cabulxamiid kii labaad ee af-gambigii 27 Abriil 1909. Kadibna waxaa qaar ka mid ah dil lagu xukumay ururka ka gadaal markii lagu eedeeyay iskuday dil Atatürk ee 1926, xilligaas xubnihii soo haray waxa ay ku dhaqaaqeen kuwa guta howlahooda siyaasadeed iyakoo ka mid ah xisbiyo siyaasadeed.