Sacab

Ka Wikipedia
Haku khaldin sacab (gacan)

Sacab (Af Ingiriis : clap) waa shanqadha ay sameeyaan marka la iskudhufto gacmaha. Dadku inta ugu badan waxay sacbiyaan marka wax dhiirigelinayaan, amaanayaan, iyo u muujinayaan ogolaansho. Sidoo kale sacabka waxaa lagu daraa heesaha si uu dhadhan ugu sameeyo.


Isticmaalka Muusiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Muusiga ay ka mid tahay qaaciga iyo qaraamiga waxaa caan ku ah sacab-tumista si loogu macaaneeyo heesta.[1]

Caafimaadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida lagu sheegay cilmibaadhis dhowaan la sameeyay, sacab-tumistu waxay caawisaa jidhka dadka. Waxaa la sheegay in sacbintu u fiican tahay isla markaana caawiso wareega dhiiga.

Laxan saarista[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sacabka waxaa inta ugu badan lagu isticmaala marka hees cusub laxan la saarayo. Tix hees ah marka loo sameeynayo dhawaaq waxaa la tuntaa sacab si shanqadh la jaanqaadi karta loo helo.

Aduunyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markeey taariikhdu ahayd 5tii Maay 2014, nin lagu magacaabo Eli Bishop oo ku nool magaalada Boston wadanka Maraykanka wuxuu sameeyay rikhoodhkii ugu badnaa ee sacab tumista caalamka. Ninkani wuxuu halkii daqiiqo garaacay 1020 sacab.[2]

Qoraalo La Xidhiidha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maahmaahyadii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

„Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.”


Linkiyo Banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "Voices Archived Mey 16, 2008 // Wayback Machine", RobPaterson.com.
  2. http://www.guinnessworldrecords.com/world-records/most-claps-in-a-minute. Soo qaatay 2015-09-07.  Maqan ama ebar |title= (caawin)