Talk:Roob la Dhac

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Magaca boga sax miya?[wax ka badal xogta]

Salaan mudane Kali duul, magaca boga eed tidhi "Roob la dhac" ma yahay magac dadka Soomaalidu isla yaqaanaan? Mise adiga ayaa ereyga bixiyay. Xasuusnoow magac meel si looga yaqaano ayaa meel kale si kale looga yaqanaa; markaa waxaa muhiim ah inaan isticmaalno magac dhexdhexaad ah oo dadka intooda ugu badan fahmi karaan. Dhinaca kale, sxb waxaan moodayay inaad fahantay sida Wikipedia Soomaaliga Wax loogu qoro. Calaamadaha == waxaa loo isticmaalaa waa samaynta ciwaanka oo kali ah! Hadii aad su'aal qabto ila soo xidhiidh sxb laakiin magacan waa inaad soo cadeysaa.. Mahadsanid. Ismail4all (talk) 07:04, 4 Diseembar 2016 (UTC)[reply]

Niyow ereyga Roob la dhac wax aan samaystay maahaa ee waa magaca noolahaas yar ee la arko markuu roobku cusubyahay.. Anigu inta gobol een tagay sidaas baa looga wada garanayaa.. Mida qaab qoraalka wikipedia, ma garan waayin qaabka wax loo qoro oo adaaba og inta maqaal een qurxiyay tootoosiyay iyo inta aan anigu turjumay ama allifay, qaab qoraalka waxaa iga khalday waa taleefan aan ka soo galiyay iyo waqtigoo igu ciriir ahaa darteed ee sidaa ku daa isma lahayn.

--Kali duul (talk) 05:18, 5 Diseembar 2016 (UTC)[reply]

Waadna ku mahadsantahay sida aad maqaalka u habaysay.

Maadaama aad tidhi magaca waa mid la isla yaqaano waxaan kaa codsanayaa inaad ku darto boga xooga sharaxaad ah oo ku saabsan magaca iyo sida uu ku baxay, si dadka aan aqoonta u lahayn u fahmaan. Adigu waxaad tahay raga meeshan laf-dhabarta u ah, markaa waxaan ka yaabay sida aad wax u qortay. Guud ahaan, wixii aad fahmi weydo waad i soo weydiin kartaa. Mahdsanid walaal. Ismail4all (talk) 03:14, 12 Diseembar 2016 (UTC)[reply]