Xakiim (qori)

Ka Wikipedia

Xakiim fara gooye (Af Ingiriis : Hakim Rifle, Af Carabi : ar‎) .waa qori xabad kaliyaale ah, Qorigaan asalkiisa waxaa sameeyay wadanka iswiidhan  asagoo lahaa magaca AG-42 Ljungman, ka dibna waxaa hormariyay masaaridii iyagoo siiyay magaca (بندقية حكيم) sandihii u dhexeeyay 1950 iyo 1960kii, ka dib waxaa bedelay qoriga loo yaqaan AK-47 hase ahaatee ma ahayn in laga wada guuray ee waxaa isticmaali jiray booliiska iyo ciidanka gaardiga iyo dhoola tuska, ama salaan sharafta dhiiba, Laakiin ilaa imika xilligan la joogo waxa isticmaala qaar ka mid ah xooggaga nabad-suggida ee masaarida. [Egyptian Police] [1]

Tilmaanta Qorigaan iyo Adeegsiga Soomaalida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka dib madaxbannaanidii Soomaaliya ayaa qoriga Xakiimku wuxu ka mid ahaa hubkii yaryaraa ee dawladdu ku qalabaysay ciidamada qalabka sida oo ayMasar ka iibsadeen, ka hor intaan Ruushka iyo Jarmalka hub laga helin. Waa qori fudud, qufaddiisu 10 xabbo qaad ah, iyadoo aan mar labaad la cabbeyneyn oo ay xabbaduhu iskiis uga dhacaan, wuxu ahaa qorigii ay ciidamadu gaardiga ku mari jireen iyo salaan- sharafta, ka hor intaan Kaaraabiinkii farsamada Ruushka ahayd lagu beddelin. Waxa lagu kaydiyey bakaarihii ciidamada ee hubka, burburkii ka dib wuxu gacanta u galay dadweynaha. waxa lagu yaqaannay in marka xabbado badan laga rido in keebka iyo tooratoorahu kululaadaan. Soomaalida markii uu soo qaadhay waxa ay ku ammaan jireen odhaahdan Xakiim xayaata Soomaal, wa mowtal Xabash! saas ayay masaaridu dheheen markay na siiyeen, maadaama soomaalidu ku dagaal galeen dagaalkii Xalane xabashida lal galay ee wajaale sanadii 1964kii, Qorigaan midkiisa Xabbad keliyaaluhu waa ka tiiro dheer yahay kuwa daradooriga u dhaca, aalaana waa ka dhuun dheer yihiin, waxaa la yiri Isaga iyo kaarabiinka waagii dambe khasnadda iyo rasaastaba waa la wadaajin jiray (farsamo yar ka dib) waliba saas waxay dhacday burburkii ka dib maadaama waqtigii dowlada uu xaraysnaa.


Sawirro[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xakiin faragooye Xakiin


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac banaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]