Xarunta Tababarada Ciidanka Qalabka Sida

Ka Wikipedia

Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo la aas aasay waayihii gumaysi diidka ayaa wuxuu leeyahay taariikh iyo sumcad balaaran bulshada Soomaaliyeedna dhexdeeda.

Horudhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dabayaaqadii 1890yadii is loolankii gumaystaha uu u loolamayay dhulalka Afrika ee caalamaha daafihiisa kale ayaa waxaa geyiga Soomaalia ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan hubaysan kaas oo wjigiisii hore ka bilaabowday rakuubleey difaac iyo weerar la galay gumaystihii Yurub.

1920 ayaa Diiriye Guure iyo ciidankiisii gobolka Soomaali Galbeed lagu raadtiray halkaasna gumaystaha si toos ah ula wareegay taladii wadankeena. Sayidilaa iyo hada taageeraan

Xarumaha Tababarada Ciidanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xarumaha tababarada Ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Qalabka Sida wuxuu ku yaal dhamaan gobollada dalka waxaana ka mid ah:

  • Xarunta Tababarada Xalane

Xarunta Tababarada Ciidanka ee Xalane waxay ku taal koonfur bari caasimada Muqdisho waxayna saarantahay bada iyada oo dhanka koonfur kaga beegan Gegida Diyaaradaha Muqdisho.

Ciidan aad u farabadan ayaa ka

  • Xarunta Tababarada Malkaariyeey ee Degmada Beled Xaawo oo 7KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beled Xaawo. Xarunta Malkaariyeey waxay qayb libaax ka qaadatay waayihii dagaalka lala galay Xabashida si looga xoreeyo Gobolka Soomaali Galbeed. Tobonaan kun oo ciidan oo ku tababaran habka dagaalka ee lugta, difaaca cirka, gaadiidka gaashaaman, sir doonka, is gaarsiinta iyo laamaha kala duwan ee ciidanka xooga ayaa ka qalan jabiyay Xarunta Tababarada Ciidanka ee Malkaariyeey.
  • Kulliyada Jaalle Siyaad waa xarun layli sarkaal oo kumanaan sarkaal soo saartay kuwaas oo hogaanka u qabta xarumaha ciidamada wadanka ee 18 gobol ee xorta ah.
  • Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisiyoone. Afisiyoone waxay ku taal waqooyiga Gegida Diyaaradaha ee Muqdisho.
  • Xarunta Bali Doogle- waa saldhig ciidnka Cirka Soomaaliyeed isla markaana ah mid ka mid ah xarumaha tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.