Xasan Cali Khayre

Ka Wikipedia
Mudane

Xasan Cali Khayre
Raiisul wasaaraha Soomaaliya
[[ Ambassador to Template:CountryPrefixThe]]
Xafiiska
1 Maarso 2017 – 25 Luuliyo 2020
MadaxweyneMaxamed Cabdulaahi Maxamed
Faarmaajo
.!!’
ka horeeyayCumar Cabdirashiid Cali
Sharmaarke
Ku xigayMaxamed Xuseen
Rooble
Faahfaahin shaqsiyadeed
Dhashay
Xasan Cali Khayre

1968
Ceelbuur, Galguduud, Jamhuuriyadda Soomaaliya
XisbigaKa madax banaan
Alma materJaamacada Oslo
Heriot-Watt University

Xasan Cali Khayre dhashay 15 Abriil 1968, oo loo yaqaan Xasan Khayre[1] waa siyaasi Soomaali, ahna Raiisul Wasaarahii hore Soomaaliya . Waxaa loo magacaabay 23 Febraayo 2017,waxaana uu xilka ka dagay 25 July 2020 waxaa u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya xaarmaajo[2], waxaana ansixiyay xubnaha baarlamaankana badankooda 1-da maarso 2017.[3], Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka[4]

Bishii July 2020 ayay 170 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka kala noqdeen kalsoonidii, waxaana diiday 8 xildhibaan kaliya.

Khaire wuxuu horey u ahaan jiray madaxa fulinta batroolka. Wuxuu ahaa agaasime gobol oo ka tirsan hay'adda samafalka ee Norwegian Refugee Council wuxuuna agaasime ka ahaa qeybta afrika shirkadda saliidda ee Ingiriiska Soma Oil and Gas.[5][6]

Taariikh nololeedkiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xasan Cali Khayre wuxuu ku dhashay bartamaha Soomaaliya magaalada ceelbuur ee gobolka Galgaduud sanadkii 1968,[7] Wuxuu waxbarashadiisa ilaa Dugsi Sare kaga baxay Cismaan Geeddi Raage ee magaalada Muqdisho sanadkii 1986dii.[8] , Intii u dhexeysay sannadihii 1994-1998 ayuu ka baxay Jaamacadda University of Oslo ee dalka Norway, isagoo ka diyaariyey darajada 1aad ee cilmiga siyaasadda iyo Sociology. Darajada 2aad ee Master-ka wuxuu ka qaatay MBA Jaamacadda Thoroughgoing ee waddanka Skotland sannadkii 2001[9]

Khaire waa nin heysta dhalashada Norway iyo Soomaaliya.[10] Intii u dhexeysay sanadadii 2002-2005, waxaa u ka shaqeynayay dhinca ganacsiga, sandkii 2006 waxa uu noqday Agaasimaha Xaafiisyadda Soomaaliya iyo Kenya iyo Agaasimaha Geeska Afrika [11]

khaire haatan waa murashax u taagan qabashada xilka madaxwaynimo ee Somaliya , wuxuuna tartan la gali doona ilaa 40 murashax .

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. http://www.africanews.com/2018/08/14/eritrea-delegation-in-somalia-to-deepen-bilateral-relations/
  2. http://mareeg.com/somali-new-president-appoints-hassan-ali-khaire-as-prime-minister/[dead link]
  3. http://goobjoog.com/english/parliament-unanimously-endorses-hassan-khaire-new-pm%7Ctitle=Parliament[dead link] unanimously endorses Hassan Khaire as new PM|publisher=Goobjoog News|date=1 March 2017
  4. https://www.bbc.com/somali/war-39125689
  5. http://www.aftenposten.no/verden/Nordmann-ny-statsminister-i-Somalia-615810b.html%7Ctitle=Nordmann ny statsminister i Somalia|newspaper date=2017-02-23|language=Norwegian}}
  6. http://abcnews.go.com/International/wireStory/somalias-president-appoints-prime-minister-45680284%7Ctitle=Somalia's new president appoints prime minister|agency=Associated Press|first=Abdi |last=Guled |publisher=ABC News|access-date=2017-02-23
  7. https://www.togaherer.com/2017/02/23/taariikh-nololeedka-raiisul-wasaare-xasan-cali-khayre/
  8. http://somalitalk.com/2017/02/24/taariikh-nololeedka-raiisul-wasaaraha-la-magacaabay/ Archived Sebteembar 28, 2020 // Wayback Machine
  9. https://www.araweelonews.com/warar/waa-kuma-taariikhda-raiisal-wasaare-cusub-ee-soomaaliya-xasan-cali-khayre-iyo-fadeexadaha-lala-xidhiidhiyay/
  10. http://www.vg.no/nyheter/utenriks/afrika/norske-hassan-ny-statsminister-i-somalia/a/23932541/%7Ctitle=Norske Hassan ny statsminister i Somalia|newspaper=Verdens Gang|access-date=2017-02-24|language=Norwegian
  11. https://warsom.com/wararka/2017/02/wax-ka-baro-taariikhda-xasan-cali-kheyre-oo-loo-magacaabey-rw-soomaaliya/