Imaan Cabdimajiid

Ka Wikipedia
Iman Abdulmajid

Imaan Cabdimajiid Iimaan Maxamed ʿAbdulmajiid 25 july 1955, Waa gabadh soomaaliyeed oo kamida dadka soobandhiga dharka ama maryaha waxa qaba nin ingiriisa oo fanaana

Nolosheedii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Imaan waxa ay kudhalatay magaalada Muqdisho sanadii 1955 hooyadeed waxa lagu magacabaa maryan aabeheed cabdimajiidna waa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay wadanka Sucuudi carabiya waxa ay la walaalo tahay laba wiil ilyaas iyo faysal,iyo hal gabadh oo lagumagaacabo Nadiya.Iman waxa ay wax kabaratay yaraanteedii dugsi kuyaala wadanka masar intaas kadib waxa ay gashay jaamcad kutaala wadanka kinya halkaas oo ay kabaratay Culuumta Siyaasadda, imaan waxa ay kuhadashaa shan luqadood carabi Ingiriis Af-Faransiis Af-taliyaani iyo Af-Soomaali lakiun ma noqon sidii la rabay

Bilawgii Shaqada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

sanadkii 1975 waxa imaan loo qaatay in ay noqoto ama kamid noqoto dadka sooban dhiga maryaha waxaanay dagtay wadanka maraykanka.sawirkii ugu horeeyay ee ay maryo kusoo bandhigtay waxa ay la samaysay jariirada Fog'oo maraykanka kasoo baxda, Iman sanadii 1991 waxa ay k qayb qaadatay filinka Remember the time filinkaas oo uu matalay fanaankii waynaa ee Michael Jackson

Nolosheeda Gaarka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadkii 1977 ayay imaan guursatay xidigii kubada kolayga ee Spencer Haywood waxaanay isudhaleen gabad lagumagaacaabo suleekha waxa ay kalatageen sanadii 1987. sanadkii 1992 ayay hadana waxa ay dib u guursatay nin ingiriisa oo muusiga garaaca waxaanay isudhaleen gabadh dhalatay swanadkii 2000,