K'naan
Kaynaan Warsame, waxa uu dhashay sanadku markuu ahaay 1978 waxa uuna ku dhashay somalia gobalka banaadir magaalo madaxda Muqdisho gaar ahaan dagmada caanka ah ee wardhiigley. Kaynaan ayaa waxa uu ka soo tagay wadankiisa hooyo sanadkii 1991 kii, kadib markeey ka baxday meesha maamulkii dowladii dhexe ee Soomaalia, ee uu madaxweynaha ka ahaa jaale General Maxamed Siyaad Barre, Rabi naxariisti jano ha ka warabiyee ...AAMIIN . Kaynaan ayaa ah qof heesto dhalashada Kanada, waa Somalian Kanadian. Kaynaan waxa uu qaadaa heesaha loo yaqaano rap, hip hop, pop iyo rock.
Knaan waxa uu aad uga duwanyahay fanaaniita somaliyeed, markaan sida leyahay waxaan ula jeda xaga tageeraha, oo waxaa knaan aad looga jecelyahay Aduunka oo dhan, waxa uu ku hesa afkeena Hooyo ka so koow afka Ingriiska. kaynaan oo ah nin wadani ah runttina jecel dalkiisa hooyo sida u cadaaday dunida kadib markuu kor u tagay cawaale ama astaanta dalkeena habeen kii la furayay koobka aduunka heesaha kaynaan waxaa laga dheehan karaa af soomaali badan waxuuna naqso noqday nin laga yaqaan aduunka kaynaan oo dunida ugu jira dalkeena hooyo
Keynaannaan waa muslim ereyga (Keynaan) ayaa ah micnahiisa marka luuqada Ingriiska la eego (traveller), oo ah saffar ama Socoto.
kanaan waxa uu sheegay, in u soo qaadi doono sanadkaan, heeso micno iyo murti ay ku dheehantahay, isaga oo sheegay in heesihiisu ay noqon doonaan kuwo laga iibsado, meelo badan oo dunida ah.
knaan ma qaado heesaha Ingriiska kaliya, waxoo qaada, heesaha soomaaliga xataa. knaan waxa uu magac ween u soo hooyay, dhamaan bulshada ween oo somaliyeed, meel kasto ee dunida ka joogaan. Maalintii la furaayay koobka kubada cagta ee Aduunka FIFA WORLD CUP 2010 ee Koonfur Afrika, ayuu waxoo ka heesay, hees, lamagac baxday (Waving Flag).
Heesta Knaan ayaa aduunka laga dawanaayay, asiga oo canlanka soomaaliya kor luxaayo. Heesta (Waving flag) asiga ayaa soo alifay, asiga ayaa ne laxanka. k'naan ayaa sheegay mar eey laanta afka somaliga ee BBC'da wareessatay, in uu marka uu alifayay hestaan uu niyada ku hayay, Somalia. Knaan ayaa ILAAH heybad u siyay luuqeenta, alifida iyo laxamenta heesaha.
taasian waxa la dhahi kara waxa uu ka dhaxlay Awoowehiis Xaaji Maxamuud iyo eedadiis RABI naxariistii jano ha ka waraabiyee, Xaliimo khaliif Cumar Magool.
Magool ayaa aheed fanaanad ku caan baxaday magaca loo yaqaano boqorada codka ee somalia, oo eheed garbahii fanka somaliyeed.
Hase ahaatee, Knaan ayaa waxa uu helay fursad eesan helin eedadiis, waa Magoole. taasi oo ah, inuu ku heeso Luqada caalamiga, ee isku fahmaan aduunka,waa luqada ingriiska. Sidoo kel Magool ayaa aheed mid ku heesto, afaf kala duwan sida carabiga iyo inriiska inkastoo eeysan aheen, sida uu knaan u joogteyay afka ingriiska. Knaan ayaa u muuqdo inuu gali doono booskii, oo u baneeyay heesaalihii Caanka ahaa oo xad gudbay, king of pop Micheal jackson.
knaan waxa uu soo saray in kudhaw 5 album, wxaana ka mid ah :-
2005: The Dusty Foot Philosopher (BMG Music)]]
2007: The Dusty Foot on the Road (Wrasse Records)]]
2009: Troubadour A&M/Octone Bold textLink title