Mesobotaamiya

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Mesobotaamiya

Mesobotaamiya
Μεσοποταμία
ﺑﻼﺩ ﺍﻟﺮﺍﻓﺪﻳﻦ
—  Boqortooyo Hore  —
maabka deegaanada Mesobotaamiya ku fidsanayda.

Flag
Maabka labada webi Tigris iyo Furaat ee Mesobotaamiya ku dhex taalo.
Dhacdaa: 32°32′11″W, 44°25′15″B
Wadanada Flag of Iraq.svg Ciraaq, Suuriya, Turkiga
Sidoo kale: Iiraan, Kuwayt
Boqortooyo: Baabiyloon, Akkadiyaan, Asiyriyaan, Sumeeriyaan
Wakhtiga: 3,100 C.H (Ciise Hortii) ilaa 539 C.H
Baaxadda
 • Guud ahaan 15,000 km2 (6,000 sq mi)
 • Land 15,000 km2 (6,000 sq mi)
Tirada dadka
 • Guud ahaan L/O (Lama Oga)
  L/Y (Lama Yaqaano)
Saacad UTC (UTC+2)
Sharaxaad albaabka Ishtar
Taariikhda Ciraaqdii hore
Taariikhda Ciraaqdii Dhexe
Wakhtiyadii Maamulka Islaamka
Ciraaqda Qarniga 20aad
Jamhuuriyada Ciraaq

Mesobotaamiya' (ingiriis: Mesopotamia; carabi: ﺑﻼﺩ ﺍﻟﺮﺍﻓﺪﻳﻦ(bilād al-rāfidayn); Siyriyak: ܢܝܪܗܢ ܬܝܒ (Beth Nahrain): "dhulka webiyada"; Giriig: Μεσοποταμία) waa magaca deegaanada u dhexeeya labada webi ee Tigris iyo Furaat (Euphrates) ee dunida maanta ku beegan wadanada Ciraaq, waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[1][2][3][4]

Luuqada Giriiga micnaha magaca Mesobotaamiya waa "dhulka u dhexeeya labada webi (Tigris iyo Furaat)".[5]; Luuqada Yuhuuda: בָּבֶל [5][5]

Si guud loogu aqoonsaday ineey tahay meeshii ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka - Mesobotaamiya waxaa ka dhex bilaabmay boqortooyooyin aad u badan oo kuwa ugu caansanaa ee deegaano badan gaadhay ka mid yihiin: boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka; kuwaas oo dhamaantood laga helo maanta wadanka Ciraaq, meelo yaryar oo ka mid ah waqooyibari wadanka Siiriya, xoogaa yar oo koonfurbari dalka Turkiga iyo meelo ka mid ah koonfurgalbeed dalalka Iiraan iyo Kuwayt.[6][7]

Waxyaabaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto Mesobotaamiya waxaa ka mid ah, hab qoraalka fartii ugu horeeysay dunida oo lagu qiyaaso 3,000 sano ka hor in boqortooyada Sumeeriyaanku ikhtiraaceen. Fartaas waxaa lagu magacaabaa "Kuneform" (cuneiform). Dhinaca kale, sida ku xusan kitaabka masiixiga, meelo ka mid ah dhulka mesobotaamiya waxaa ku noolaan jirey Nabi Ibraahim (c.s.) ka hor intaanu u guurin magaalada Kanaan (canaan).[8]

Deegaanada mesobotaamiya waxaa laga dhisay magaalooyin badan, aad u baaxad waynaa isla markaana gaadhay meelo badan. Kuwaas waxaa ugu caansanaa magaalada Uruk, Nippur, Nineveh, iyo ismaamul-magaalo Baabiyloon.[9] Intaas waxaa dheer, dhulkan Mesobotaamiya waxaa ka soo baxay qaar ka mid ah hogaamiyayaashii ugu horeeyay taariikhda aadamaha, kuwaas oo dunida ku soo kordhiyay ilbaxnimo iyo xadaarad aad u badan. Inta sida fiican loo yaqaano boqoradaas waxaa ka mid ah Ur-Nammu (boqorkii Ur), Saargoon "Sargon" (kaasi oo bilaabay boqortooyada Akkadiyaanka), Hammurabi (oo ah boqorkii bilaabay ama balaadhiyay boqortooyadii Baabiyloon), iyo Tiglath-Pileser I (ninkan oo ah boqorkii dhisay boqortooyadii Assiyriyanka).[10][11]

Dhinaca kale, maamuladii iyo boqortooyooyinkii deegaanada Mesobotaamiya waxay dunida ku soo kordhisay xadaarad iyo ilbaxnimo aad u sareeysay wakhtigaas. Tusaale ahaan, boqortooyadii Sumeeriyaanku waxay horumariyeen wax-beerashada, nidaam fiican ee waraabinta beeraha, ku safrida biyaha webiyada iyo koontaroolida daadadka.[12] Intaas waxaa dheer, dadka reer mesobotaamiya waxaa lagu sheegaa ineey ahaayeen bulshooyinkii ugu horeeyay ee dhaqda xoolaha gurijooga ah, sameeyay beero waawayn oo wax ku ool ah, iyo ganacsiyadii ugu horeeyay taariikhda aadamaha.[13][14]

Juquraafiga Mesobotaamiya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dadka Mesobotaamiya[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Boqortooyooyin[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qoraalo La Mid Ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "magaca af-Carabiga carabi: بابل"
  2. "luuqada Akadhiga: Bābil"
  3. "webi ee Tigris iyo Furaat"
  4. "Mesobotaamiya"
  5. 5.0 5.1 5.2 The Cambridge Ancient History: Prologomena & Prehistory: Vol. 1, Part 1. Accessed 15 Dec 2010.]
  6. "ilbaxnimadu ka bilaabantay - wakhtigii Bronzeka"
  7. "boqortooyadii Baabiyloon, boqortooyadii Akkadiyaanka, boqortooyadii Asiyriyaanka, iyo boqortooyadii Sumeeriyaanka;"
  8. Simpl. ad Arist De Caelo. ii. 503A)
  9. "ismaamul-magaalo Baabiyloon."
  10. Simpl. ad Arist De Caelo. ii. 503A)
  11. Stephanie Dalley, Babylon as a Name for other Cities Including Nineveh, in Uchicago.edu, Proceedings of the 51st Rencontre Assyriologique Internationale, Oriental Institute SAOC 62, pp. 25–33, 2005
  12. "nidaam fiican ee waraabinta beeraha, ku safrida biyaha webiyada iyo koontaroolida daadadka."
  13. "bulshooyinkii ugu horeeyay ee dhaqda xoolaha gurijooga ah"
  14. "beero waawayn oo wax ku ool ah, iyo ganacsiyadii ugu horeeyay taariikhda aadamaha."