Jump to content

Gurijoog

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Rabaayad)
Lo'du waa xoolaha gurijooga ah.
Bisadu waa xayawaanka gurijooga ah.
Adhigu waa xoolaha gurijooga ah ee dadku dhaqdaan.

Gurijoog (ingiriis: domestic livestock) waa xayawaanka iyo xoolaha la dhaqdo ee dadku manaafacaadsado.

Xoolaha gurijoogta ah waxaa ka mid ah bisadaha, eyda, lo'da, adhiga, daanyeerka, geela, fardaha, dameeraha, idaha iyo mararka qaar oo lagu daro digaaga iyo shimbiraha kale la dhaqdo.

Guud ahaan xoolaha gurijoogta ah waa xayawaanka aadamuhu dhaqdaan, ee qaarkood la cuno hilibkooda lana cabo caanahooda.

Xayawaanka aan la dhaqanin ee khatarta ah waxaa loo yaqaanaa Duurjoog, waxaana ka mid libaaxa, waraabaha, shabeelka, harimacadka, yeyga, butida, masaska, iyo kuwo kale oo badan.