Webiyada
Ka Wikipedia
Dalka Soomaaliya waxaa mara labo webi oo kala ah Webiga Jubba iyo Webiga Shabeelle waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabeelle oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. Magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey, Kamsuuma Jamaame Kunbarera, Abdalla kikan, Casbooley Buulbaley wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km. halka liibaanta qoryooley ay tahey wax soo saarka soomaalida meesh wax soo saar badan..............

