Maalinta Madaxbanaanida Somaliland 1960

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay 26 Juun 1960)
Maalinta Madaxbanaanida Somaliland
Dadka Somaliland
TaariikhdaJune 26
Next time26 Juun 2024 (2024-06-26)
Xilligaannual

Maalinta Madax-bannaanida Qaranka Somaliland waa xus sanadle ah iyo ciidaha guud ee Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu xuso ku dhawaaqistii madax-bannaanida ee Juun 26, 1960. [1] Dabayaaqadii qarnigii 19aad, dhulalkii maanta loo yaqaan Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loo kala qaybiyey Ingiriiska iyo Talyaaniga . Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Somaliland waxaa ku soo duulay ciidammo Talyaani ah, laakiin Ingiriiska ayaa aakhirkii dib ula soo noqday gacantii. [2]

Somaliland oo markii ugu horeysay: Calanka Soomaaliya la taagay ee aha Caddaan iyo Buluugga ah ee Dabaal - degyadii Xorriyadda ee 26-kii Juun 1960 Ra'iisul-wasaaraha Qaranka Somaliland iyo madaxweynihii labaad ee Somaliland Muxammad Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa salaamay calanka.
Heshiisyada iyo is-weydaarsiga waraaqaha ee u dhexeeya Dawladda Boqortooyada Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland iyo Dawladda Somaliland ee la xidhiidha helitaanka Madax-bannaanida ee dalka Somaliland [3]

Dagaalkii ka dib, British Somaliland wuxuu sii ahaaday maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska, laakiin waxaa la go’aamiyay in British Somaliland iyo Italian Somaliland loo midoobo sidii hal dal oo madax bannaan kadib muddo kala guur ah oo daba dheeraatay.

26-kii Juun, 1960-kii, British Somaliland ayaa xorriyadda qaadatay dwoladda Ingiriisa ka bacina 1-dii Luulyo-na, labadii gumeyste ee hore ayaa midoobay si ay u dhisaan Jamhuuriyadda Soomaaliya . Sannad-guurada labada munaasabadood ayaa hadda loo xusaa ciidaha guud ahaan Somaliland iyo Soomaaliya. [2]

Somaliland waa dowlad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda oo beesha caalamku u aqoonsan tahay ismaamul ka tirsan Soomaaliya. Dawladeedu waxay u tixgelisaa dhulka inuu yahay dhaxalka dawladnimada Somaliland, waxayna dooneysaa aayo-ka-tashiga Jamhuuriyadda Somaliland

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Markey taariikhdu ahayd 26kii Juun 1960kii waxaa xoriyada qaatey Goboladii Soomaalida Waqooyi kuwaasi oo dagaal culus la galay gumaystihii Ingiriiska. Fagaaraha kheyriyada magaalada Hargeysa oo iskugu soo baxeen dad badan oo u dabaaldegayay guusha xoriyada ayaa waxaa masraxa gabay dhaxalgal ah ka tiriyey Cabdilahi Suldaan Timocade. Gabaygaasi waxaa loo yaqaanaa Kana Siib Kana Saar:

Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurrayeaha
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar
.

Faallo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Maalinta 26ka Juun 1960kii waa maalin aad iyo aad u qiimobadan, waa maalintii Ingiriisku uu ka guuray Somaliland. Waxa ay aheed maalin farxad iyo rayrayni ay ku dheehantahay. Waa maalintii ay samaysantay dawladii da'da yarayd ee Somaliland (1960). Dawladani waxay jirtay 5 cisho oo kaliya, kadibna waxy midnimo la samaysay Soomaaliya oo iyaduna xorowday 1960 bishii 7aad 1dii. Midawga ay sameeyeen labada dawladood malin kadib ayuu fashilmay markii koonfurtu ay wada qaadatay xukunkii oo dhan.

Sidoo kale eeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraacyo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Encyclopædia Britannica, The New Encyclopædia Britannica, (Encyclopædia Britannica: 2002), p.835
  2. 2.0 2.1 "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2011-09-28. Soo qaatay 2021-01-15.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin) Cite error: Invalid <ref> tag; name "wardheernews.com" defined multiple times with different content
  3. "Nuqul Archive" (PDF). Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2020-11-14. Soo qaatay 2021-01-15.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)