Jump to content

Maalinta Madaxbanaanida Soomaaliya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Maalinta Xoriyada Soomaaliya)
Maalinta Madaxbanaanida
Dadka Soomaaliya
NoocaMaalin Qaran
SababtaSamaysankii Jamhuuriyadda Soomaaliya
Loo dabaaldegoisku soo bax dadweyne, ciyaaro, iyo dabaaldeg
Taariikhda1da Luuliyo Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
26ka Juun  Somaliland
Xilligasanad kasta

Maalinta Madaxbanaanida Soomaaliya (Af Ingiriis : Independence Day of Somalia) waa maalin qaran laga xuso wadanka Soomaaliya, iyo Deegaanada Somaliland.[1] Gobolada Waqooyi Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland ayaa 26 Juun 1960kii ka qaatay gumeeystihii Ingiriiska ee ka talin jirey British Somaliland. Maalmo yar ka dib, Koonfurta Soomaaliya ayaa madaxbanaanida ka qaadatey Italian Somaliland. Ugu dambeyn, 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobey Goboladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo lagu aasaasay dowladii iyo maamulkii ugu horeeyay gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guud ahaan, maanta waxaa wadanka Soomaaliya laga dabaaldegaa 1da Luuliyo oo ah maalinta Qaranka Soomaaliya; halka Somaliland laga dabaaldegaa 26ka Juun oo ah Maalinta Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Hordhac

Markey taariikhdu ahayd 1dii Luuliyo 1960kii waxaa midoobay goboladii waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya halkaasi ooy ka dhalatey Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaa markiiba talada wadanka loo caleemo saaray Mudane Cabdullaahi Ciise iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xubno kale oo ka kala socday labada deegaan ee midoobay. Markey taariikhdu ahayd, 20kii Luuliyo 1961kii waxaa la ansixiyey Dastuurka Soomaaliya (1961).[2]

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. national holiday observed annually in Somalia on July 1.
  2. The Illustrated Library of The World and Its Peoples: Africa, North and East, Greystone Press: 1967, p. 338