Axmed Da'ud Oglo

Ka Wikipedia
Ahmet Davutoğlu MP
Axmed Da'ud Oglo


Ra'isulwasaraha 26aad ee Turkiga
Ka qabtay xil
28 August 2014 – 24 May 2016
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan
Kuxigeenkiisa
Xilka kaga horeeyey Recep Tayyip Erdoğan
Xilka kaga dambeeyey Binali Yıldırım

Ka qabtay xilka
27 August 2014 – 22 May 2016
Kaga horeeyey xilka Recep Tayyip Erdoğan
Kaga dambeeyey xilka Binali Yıldırım

Wasiirkii 42aad ee Arimaha Dibadda Dalka Turkiga
Ka qabtay xilka
1 May 2009 – 29 August 2014
Ra'iisul wasaare Recep Tayyip Erdoğan
kaga horeeyey xilka Ali Babacan
kaga dambeeyey xilka Mevlüt Çavuşoğlu

Xubin Baarlamaanka Turkiga
Sii ahaaday Xilkiisa
Ka haya Xilka 
12 June 2011
Wareega doorashooyinka Konya, June 2015, Nov 2015)

Macluumaad gaar ah

Ku dhashay (1959-02-26) 26 Febraayo 1959 ( 65jir)
Konya, Turkiga
Xisbi siyaasadeed Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta
Is guursadeen Sare Davutoğlu (1984–Hadda)
Caruur Sefure
Meymune
Mehmet
Hacer Bike
Waxbarasho jaamacadeed Jaamacadda Boğaziçi
Diinta Sunni Islam
Saxiixa Axmed Da'ud Oglo's signature
Ahmet Davutoğlu (2013)

Axmed Dafutoglu Waa Ra'iisulwasaarahii hore ee dalka Turkiga intii u dhexeysay Agoosto 2014 ilaa May 2016. Waxaana xilkaasi loo xushay taariikhdu markay ahayd 29 Agoosto 2014. Waa aqoonyahan, diblumaasi ah, wuxuu horey usoo qabtay xilal ay ka midyihiin wasiirka arimaha dibadda iyo madaxa latiliyaha ra'iisulwasaarihi hore, hadana ah madaxweynaha Turkiya Rajab Dayib Erdogaan.

Taariikh Nololeed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mudane Axmed Dafutoglu wuxuu ku dhashay Degmada Taşkent ee gobolka Konya ee dalka Turkiga sanadku markuu ahaa 26 Febaraayo 1959.

Brofesoor Axmed Dafutoglu wuxuu waxbarashadisii hoose, dhexe iyo sare ku qaatay magaalada Istanbul, kadibna wuxuu ku biiray Jaamacadda Boğaziçi halkaasoo uu ku qaatay shahaadada heerka 1aad ee jaamacadda barashada dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah, halka masterkana uu ku qaatay maamulka iyo maareynta, sanadkii 1984 ayuu dhameystay tacliinta sare ee phdiiga asagoo ku diyaariyey Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga. Intaas ka dib wuxuu bare jaamacadeed kasoo noqday jaamacadaha: Marmara, Bilkent iyo jaamacadda Islaamiga ee Maleeysiya.

Ra'isulwasaare Dafutoglu siyaasada ka sokow waa cilmi baadhe waxaa uuna qorey in kabadan 200 oo boog oo siyaasadda, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iwm isugu jira. Waxaana ka mid ah buugiisa caanka ah ee saamaynta balaaran kuleh siyaasadda arimaha dibadda dalkaasi ee lagu magacaabo Istiraatiijiyadda Qotodadheer.