Cabdiraxmaan Tuur
Abdirahman Ahmed Ali Tuur | |
|---|---|
| Madaxwaynaha Somaliland ee 1aad | |
| Waxaa ka horreeyey | Xafiis la dhisay |
| Waxaa ku xigay | Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal |
| Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee 2aad [1] | |
| Xilka haaya May 1993 - May 1995 | |
| Madaxweyne | Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal |
| Waxaa ka horreeyey | Xasan Cisse Jamaac |
| Waxaa ku xigay | Abdirahmaan Aw Cali Faarax |
| Gudoomiyaha SNM [2] | |
| Xilka haaya April 1990 - May 1991 | |
| Waxaa ka horreeyey | Axmed Siilaanyo |
| Waxaa ku xigay | Xafiiskii waa la tirtiray |
| Faahfaahinta shakhsiga ah | |
| Dhashay | Abriil 4, 1931 |
| Dhintay | November 8, 2003 (Da’weyn 72) |
| Xisbiga | SNM |
| Xaaska | Kinsi Ibraahim Cismaan Basbaas[4] |
| Jaamacaddii u ka qalin jabiyay | Jaamacadda Exeter |
Madaxwaynahii uu horreeyey ee Somaliland kuna dhawaaqay gooni isu-taagga Jamhuuriyada Somaliland. Wuxu ahaa Siyaasi wayn, wuxu ka soo shaqeeyey dawladdhihii hore ee Soomaaliya, Wuxu soo qabtay xilal badan, Wuxu uu soo halgamey dib uu soo-celintii Somaliland. Wuxu walaal la ahaa Aabihii Waxbarashada Soomaaliya (Maxamuud Axmed Cali oo lo yaqaaney Father of Education Of Somalia).
Dib kala soco Taariikhda Marxuumka, Madaxwaynahi sharaftalahaa C/raxmaan Tuur (Ahun)
C/Raxmaan (Tuur) Alle haw naraxariistee waxa uu ahaa nin fiican oo aan dada qadaf iyo gef toonna u geysan. Wuxu ahaa nin dhawrsan oo dadka dhegeysta oo inta erey ee uu yidhaa la tirin karay. C/Raxmaan waxa uu qabtay xilka Madaxweyne-ku-xigeenkii Dawladda Salbalaar ee uu madaxweynaha ka ahaaa Maxamed Faarax Caydiid (Ahun). C/Raxmaan tuur wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland. M.Wayne Tuur ololihii doorashada Daahir Riyaale ayuu kala qeyb galay si uu uga saaro meesha in ay qabiil uun ku koobnaato xilka madaxweynanimada Somaliland. C/Raxmaan (Tuur) wuxuu ahaa maskaxdii ka takhalustay dawladdii kali-taliska ahayd ee Moxamed Siyaad Barre, Wax uu ahaa nin maskax badan, isla markaana geesi ah Alle ha u naxariisto. Cabdiraxmaan (Tuur) waxa uu ahaa gudoomiyihii 5aad ee SNM, kaasoo ahaa hoggaamiyihii SNM isagoo muddo gaaban xilka Guddoomiyanimada SNM hayeyna suurtogaliyey in la burburiyo dawladdii kacaanka sheegan jirtay ee uu horboodayey askarigii Maxamed Siyaad Barre (Ahun). Qalinkii Cabdinajiib Baashe Maxamed oo Hargaysa ku suagn
MILICSIGA MAALMIHII CABDIRAXMAAN TUUR.. Waa Qalinkii Qoraaga weyn Muj.Boobe Yuusuf Ducaale oo Hargeysa ku sugan. - Qormaddii 3aad iyo 4aad. . Tuesday, November 18th, 2003
- ↑ Paquin, Jonathan (July 2010). A Stability-Seeking Power: U.S. Foreign Policy and Secessionist Conflicts. ISBN 9780773591028.
- ↑ "Civil Society & their role in Africa's struggle to deepen democracy: Experiences of Somaliland in the Horn by Cde. Iqbal Jhazbhay" (PDF). www.alnef.org.za. Retrieved 2019-09-12.
- ↑ "Archived copy". Archived from the original on 2018-06-23. Retrieved 2018-06-23.
{{cite web}}: CS1 maint: archived copy as title (link) - ↑ Somalilandsun.com. "Somaliland: A Tribute to Abdirahman Ahmed Ali "Tuur" Father of Re-independence". Archived from the original on 7 Bisha Labaad 2021.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help)