Dakkar

Ka Wikipedia

Dakkar(Jinacsani) waa caasimadii labaad ee boqortooyadii Adal Sultanate ka dib markii ay boqortooyadu ka soo guurtey Saylac, waxay ku taal Bariga Ethiopia waxay 24 Km u Jirtaa magaalada Jigjiga, Dakkar wakhtigan la jooga waxaa loo yaqaan Jinacsani

Qariirada Harar iyo Dakkar oo ahaa caasimadihii Adal Sultanate

Magaaladani waxay ka mid tahay meelaha dhifta ah ee laga helo taariikhdii Halgamaa Imaaam Axmed Guray, Sidoo kale magaaladan waxaa u jirta 5km waxka yar tuulada qadiimiga ah ee uu ku dhashay Imaam Axmed Gurey laguna magacaabo Derbiga.

Magaaladina waxay caan ku tahay buur wayn oo bartanka magaalada ku taal waano magaalo leh raadad taariikhi ah, raadadkasna waxaa ka mid ah Masaajidki uu isagu gacantiisa ku dhisay Imaam Axmed Guray ilaa iyo wakhtigana lagu cibaadaysto kaasoo ku yaal isla tuulada uu ku dhashay Imaamku ee lagu magacaabo Derbiga sidoo kale magaaladu waxay ku caan tahay saldhigyo Milatary.

File:Imaam Axmed Guray.jpg Masaajidkii Imaam Axmed Guray kuna yaal Tuulada Derbiga

Jinacsani/Dakkar waxay ka tirsanaan jirtay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia wixii ka horeeyay 2004 kii balse afti dad wayne laga qaaday dadka ku nool magaaladaas iyo tuulooyinka u dhow dhow ayay waxay u codeeyeen in ay ku biiraan Ismaamulka Oromada, wakhtigan la joogana waxay ka tirsan tahay Ismaamulka Oromada, Magaalada Dakkar jinacsani waxaa ku yaal xero ciidan oo aad u wayn waana meelihii dagaaladii ugu cusla ay ka dhaceen 1977 kii waa meelihii jugta culus lagu gaadhsiiyay ciidamadii kaligii taliskii Mengista Xayle Maryam, sidoo kale waxay saldig u ahayd Jabhaddii Somaali Galbeed iyo Jabhaddii Horyaal ee dagaalka hubaysan kula jirtay xukumadii derkiga, 1977-dii waxaa qabsaday ciiidamadii xooga dalka somaliyeed waxaase dib u qabsaday sanadkii 1978-dii bishii 9aad ciidamadii gumaysiga. xerada ciidamada magaalada jinacsani waxaa lagu soo tababary Cutubyadii ugu Horeeyay ciidamadan loo yaqaan Liyuu Police ka ee DDSI.