Jinacsani

Ka Wikipedia

Magaalada Jinacsani waa magaalo ku taal bariga Ethiopia, wakhtigii boqortooyadii Adal Sultanate waxay ahayd caasimadii labaad ee boqortooyadas waxaana loo yaqiinay magaca ah Dakkar,

wakhtigan la joogana waxay ka tirsan tahay Ismaamulka Jarsada magaaladina waxay caan ku tahay buur wayn oo bartanka magaalada ku taal sidoo kale waa magaalo leh raadad taariikhi ah, meel aan ka fogayn waxa ku taal tuuladii uu ku dhashay Imaam Axmed Guray iyo tuulada Derbiga oo ah tuulo qadiimi ah,saldhigna u ahan jirtay Imaam Axmed Guray waana meeshi ugu horaysay ee uu ka dhiso Masajid uu isagu gacantiisa ku dhiso.l


Jinacsani waxay ka tirsanaan jirtay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia wixii ka horeeyay 2004 kii balse afti dad wayne laga qaaday dadka ku nool magaaladaas iyo tuulooyinka u dhow dhow ayay waxay u codeeyeen in ay ku biiraan Ismaamulka Oromada.

Magaalada jinacsani waxaa ku yaal xero ciidan oo aad u wayn waana meelihii dagaaladii ugu cusla ay ka dhaceen 1977 kii waa meelihii jugta culus lagu gaadhsiiyay ciidamadii kaligii taliskii Mengista Xayle Maryam, sidoo kale waxay saldig u ahayd Jabhaddii Horyaal ee dagaalka hubaysan kula jirtay xukumadii derkiga, 1977-dii waxaa qabsaday ciiidamadii xooga dalka somaliyeed waxaase dib u qabsaday sanadkii 1978-dii bishii 9aad ciidamadii gumaysiga.

xerada ciidamada magaalada jinacsani waxaa lagu soo tababary Cutubyadii ugu Horeeyay ciidamadan loo yaqaan Liyuu Police ka ee DDSI.

Chinaksen was one of the capital city of adal sultanate, in that time it was named by "dakkar" it was home town of (imam ahmed gurey) who was the leader army, who was fighting against ethiopia and Portugal, when they trying to attack the grave of prophet ((Muhammad)) peace be up on him, by supporting of india and turk....for more information coming soon by (edosanefso8@gmail.com).