Digaagad

Ka Wikipedia
Lamaane digaag ah: diig iyo digaagad

Digaagad (Af Carabi : arAf-Taliyaani : gallina Af Ingiriis : hen) waa shimbir gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Digaagadu waa dhediga digaaga, waxaanay ka mid tahay xoolaha dadku leeyihiin, taas oo la cuno hilibkooda iyo ukuntooda.

Digaaga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa diig, halka mida dhedig lagu magacaabo Digaagad.

Wakhti imika laga joogo 30 qarni (3,000) oo sano ka hor, ayaa wadanka Hindiya lagu dhaqan jirey digaaga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey digaaga.

Dhinaca kale, tirokoob la sameeyay sanadkii 2003da waxaa lagu ogaaday in tiro dhan 24 bilyan digaag ah ku nool yihiin daafaha dunida.