Dirac

Ka Wikipedia

Dirac (Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Diracu wuxuu ka mid yahay dharka dumarka kaasi oo inta badan loo xidho si jidhka uga difaaco dhaxanta. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Hordhac

Diracu wuxuu ka mid yahay dharka joogtada ah ee dumarba isticmaalaan kaasi oo loo xidho in jidhka ka difaaco dhaxanta iyo qaboowga. Sidoo kale, diraca waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, labiska iyo damaashaadka. Guud ahaan, diracu waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Diracu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee diraca waxaa ka mid ah dhererka oo ka soo bilaabma luqunta (qoorta) ilaa lugaha, midabo badan oo kala duwan, mararka qaar khafiir iyo fudayd.[2]

Magaca

Ereyga Dirac asal ahaan waa mid Af-Carabi ah oo waxaan ka soo xiganahay luuqadaasi Carabiga ereyga Dirac.[3]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. Barber, Elizabeth Wayland (1994). Women's Work. The first 20,000 Years, p.135.Norton & Company, New York. ISBN 0-393-31348-4
  2. William L. Brown III, "Some Thoughts on Men's Shirts in America, 1750-1900", Thomas Publications, Gettysburg, PA 1999. ISBN 1-57747-048-6, p. 7
  3. Dorothy K. Burnham, "Cut My Cote", Royal Ontario Museum, Toronto, Ontario 1973. ISBN 0-88854-046-9, p. 14
  4. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  5. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  6. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54