Nigis

Ka Wikipedia
Boga "kastuumo" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Nigiska raga
Kastuumada dumarka

Nigis (Af Ingiriis : underwear; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Kastuumo, waa nooc ka mid ah dharka laga hoos xirta dhar kale. Nigiska waxaa loogu talogalay in dharka laga hoos xidho, waxaanu leeyahay noocyo badan oo kala duwan kuwaasi oo loogu talogalay raga, dumarka, ciyaarka iyo dadka waayeelka.

Hordhac

Kastuumadu waxay ka mid tahay dharka dadku isticmaalaan taasi oo laga xidho hoosta ama dharka kale hoostooda. Sababta ugu muhiimsan ee nigisku waa inuu ilaaliyo xubnaha khaaska ah ee dadka iyo in wasakhda ka soo baxda jidhka ku ilaaliyo dharka kale ee dusha laga xidhan yahay.

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[1] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[2][3]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  2. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  3. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54