Goono (dhar)

Ka Wikipedia
Goono

Goono (Af Ingiriis : skirt; Af Carabi : ar‎) waa dhar dumarku ku xidhaan dhexda ilaa lugaha taasi oo ka samaysan dun, cudbi ama harag xoolo.[1] Goonadu waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Diracu wuxuu ka mid yahay dharka dumarka kaasi oo inta badan loo xidho si jidhka uga difaaco dhaxanta. Goonadu waxay ka mid tahay dharka khaaska u ah dumarka Soomaaliyeed inkastoo ay xidhaan wadano badan oo ku yaala Afrika iyo Aasiya. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[2]

Hordhac

Isbedbedelkii goonada

Goonadu waxay ka mid tahay dharka joogtada ah ee dumarba isticmaalaan kaasi oo loo xidho in jidhka ka difaaco dhaxanta iyo qaboowga. Sidoo kale, goonada waxaa loo xidhaa xarago iyo isqurxin, labiska iyo damaashaadka. Guud ahaan, goonada waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Goonada waxeey leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee diraca waxaa ka mid ah dhererka oo ka soo bilaabma luqunta (qoorta) ilaa lugaha, midabo badan oo kala duwan, mararka qaar khafiir iyo fudayd.[3]

Magaca

Ereyga Goono asal ahaan waa mid Af-Faarisi ah oo waxaan ka soo xiganahay luuqadaasi Faarisiga ereyga Goon.[4]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[5] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[6][7]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. Template:Cite OED
  2. Barber, Elizabeth Wayland (1994). Women's Work. The first 20,000 Years, p.135.Norton & Company, New York. ISBN 0-393-31348-4
  3. William L. Brown III, "Some Thoughts on Men's Shirts in America, 1750-1900", Thomas Publications, Gettysburg, PA 1999. ISBN 1-57747-048-6, p. 7
  4. Dorothy K. Burnham, "Cut My Cote", Royal Ontario Museum, Toronto, Ontario 1973. ISBN 0-88854-046-9, p. 14
  5. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  6. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  7. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54