Macawiis

Ka Wikipedia
Nin Soomaali xidhan macawiis

Macawiis (Af Ingiriis : sarong; Af Carabi : ar‎) sidoo kale loo yaqaano Guntiimo, waa shay dabacsan oo ka samaysan dun, ama cudbi, ama harag kaasi oo la tolay. Macawiistu waxay ka mid tahay dharka ragga inkastoo dumarka laftoodu xidhaan mararka qaar. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah. Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta.[1]

Hordhac

Macawiist waxay ka mid tahay dharka joogtada ah ee rag iyo dumarba. Macawiistu waa maro la tolay taasi oo leh qaab le'eg qofka xidhanaya ama isticmaalaya sheygaasi. Macawiistu wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo ka duwan noocyada kale ee dharka. Astaamaha ugu muhiimsan ee shaadhasha waxaa ka mid ah raqabada, jeeb iyo galuusyo (badhano) badan oo laabta ku dhex yaala.[2]

Magaca

Ereyga Macawiis asal ahaan waa mid Af-Faarisi kaasi oo luuqado badan ka soo amaahdeen.[3]

Dharka

Dharka (Af Ingiriis : Textile ama Cloth; Af Carabi : ar‎) waa shay dabacsan oo ka samaysan dun la xardhay. Dharka waxaa laga sameeyaa dun ka timaada haraga xoolaha, xayawaanka iyo cudbiga iyo noocyo aartifishal ah.[4] Marka dharka la samaynayo waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan, waxaa ugu caansan tolida, mareegida, iyo isku xidhxidhka dunta. God ku yaala galbeedka wadanka Joorjiya ee bariga Yurub ayaa waxa laga helay qidcad harag oo lagu wado in dhar ahaan loo isticmaali jirey wakhti hada laga joogo 34,000 oo sano. Dharka guud ahaan waxaa la isku yidhaahdaa Hu'; kaasi oo u kala baxa noocyo badan. Kugu ugu muhiimsan ee dadku isticmaalaan maalin kasta waxaa ka mid ah: surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha iyo kuwo kale oo badan.[5][6]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:

Tixraac

  1. Barber, Elizabeth Wayland (1994). Women's Work. The first 20,000 Years, p.135.Norton & Company, New York. ISBN 0-393-31348-4
  2. William L. Brown III, "Some Thoughts on Men's Shirts in America, 1750-1900", Thomas Publications, Gettysburg, PA 1999. ISBN 1-57747-048-6, p. 7
  3. Dorothy K. Burnham, "Cut My Cote", Royal Ontario Museum, Toronto, Ontario 1973. ISBN 0-88854-046-9, p. 14
  4. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 23–25
  5. "surwaalka, shaadhka, diraca, shalmada, goonada, koodhka, kabaha"
  6. C. Willett and Phillis Cunnington, The History of Underclothes, Dover Publications Inc., New York 1992. ISBN 0-486-27124-2 pp. 54