Heerka

Ka Wikipedia

Heerka

Qaabdhismeedka shaxda miiska lagu ururiyey curiyeyaasha ee loo yaqaano Diwaanka Curiye wuxuu leeyahay safaf khaanado u kala socdo kor iyo hoos (guruub), midig iyo bidix (heerka).

Heerku (period) waa safafka khaanadaha ee ka bilaabma midig ilaa bidix ee miiska jadwalka curiyayaasha, kuwaas oo ah todoba saf (7) oo qeybta sare ka kooban tahay iyo labo saf oo ka hooseeya.

Curiyayaasha ku jira saf heerka isku midka ah waxay leeyihiin cuf atomik, awood aayano (ions), iyo is-heysad elektaroono isku mid ah. Ka soo biloow midig ilaa bidix tirada gacan-atomik hoos ayay u dhacdaa. Tani waxaa keentay isku xigida borotoonada iyo elektaroonada curiye ayaa aad ugu sii dhowaanaya bu'da atomka.

Si ka duwan guruubyada, Heerarka shaxda miiska diwaanka curiye ma lahan magacyo u gaar ah, laakiin waxaa lagu kala soocaa tiro kuwaas oo kala ah: heerka 1aad, heerka 2aad, heerka 3aad, heerka 4aad, heerka 5aad, heerka 6aad, iyo heerka 7aad. Intaas waxaa soo raaca labo saf oo ka hooseeya kuwaas oo kala ah Lanthanides iyo Actinides.


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]