Category:Guruubyada Diwaanka Curiye

Ka Wikipedia

Guruub

Marka laga waramayo jadwalka miiska Diwaanka Curiye Guruubku waa guuto curiye isku astaan, dhaqan iyo calaamad ah kuwaas oo ku jira hal saf oo khaanadaha Diwaanka Curiye.

Shaxda jadwalka Diwaanka Curiye, oo uu sameeyay saynisyahan Ruush ah Dmitri Mendeleev, waxay ka kooban yihiin 18 Guruub kuwaas oo ey ku dhex jiraan dhamaan 118ka Curiye. Inkastoo guruubyadu ku magacaaban yihiin tirada guruubka oo u dhexaysa 1 ilaa 18 qaarkood waxay leeyihiin magacyo u gaar ah, kuwaas waxaa ka mid ah Guruubka 15aad oo lagu magacaabo Biniktojiin ama (Pnictogens), Guruubka 16aad oo ah Jaalkojiin (Chalcogens), Guruubka 17aad oo lagu naaneyso Halogens, iyo Guruubka 18aad oo loo yaqaano Neefta Gobta ama (Noble Gases). Waxayna kala yihiin: Guruubka 1aad (Birta Alkali), Guruubka 2aad (Birta Alkalineta Dhulka), Guruubka 3aad, Guruubka 4aad, Guruubka 5aad, Guruubka 6aad, Guruubka 7aad, Guruubka 8aad, Guruubka 9aad, Guruubka 10aad, Guruubka 11aad, Guruubka 12aad, Guruubka 13aad, Guruubka 14aad, Guruubka 15aad sidoo kale loo yaqaano Biniktojiin ama (Pnictogens), Guruubka 16aad Jaalkojiin (Chalcogens), Guruubka 17aad oo lagu naaneyso Halogens, iyo Guruubka 18aad oo loo yaqaano Neefta Gobta ama (Noble Gases).

Tirada curiye ee ku jirta khaanadaha guruubku way kala duwan yihiin. Qaarkood waxaa ku jira 8 curiye, kuwo kale wax ku dhex jira 6 curiye, halka guruubyada qaar ay ku dhex jiraan 4 curiye oo kali ah.


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]