Iridiyaam

Ka Wikipedia

Iridiyaam

Curiyaha Iridiyaam.

Iridiyaam (ingiriis: Iridium) astaanta (Ir) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay todobaatan-iyo-todoba (77). Curiyaha Iridiyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 9aad iyo heerka 6aad ee Diwaanka Curiye iyo guruubka d-block.

Curiyahan Iridiyaam waa bir adag, la kala jabin karo, leh midabka naxaasta oo cadaan xiga, oo ka tirsan guruubka Balatiniyaam, kuwaas oo leh astaamo dhaqan falgal aad u hooseeya.

Curiyaha Iridiyaam waa mida labaad ee ugu culayska badan dhamaan curiyayaasha, tan ugu culus waa Osmiyaam. Sidoo kale, waa birta ugu adkeysiga badan daxalka, xataa marka heerkulku gaadho 2000 °C.

Curiyahan Iridiyaam waxaa helay saynisyahan Smithson Tennant sanadkii 1803 isla markaana ugu magac daray sanamka Iris eey caabudi jireen qeybo ka mid ah Giriigu.

Macdanta ay ku jirto Iridiyaamta waxaa laga helaa oogada dhulka ayadoo labo isotope oo dagan leh, kuwaas oo kala ah 191Ir iyo 193Ir.


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]