Kobernishiyaam

Ka Wikipedia

Kobernishiyaam


Kobernishiyaam (ingiriis: Copernicium) astaanta (Cn) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay boqol-toban-iyo-labo (112). Curiyaha Kobernishiyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 12aad ee Diwaanka Curiye iyo guruubka d-block.

Curiyahan Kobernishiyaam waa bir radioactive ah oo lagu samayn karo laabka (laboratory) oo kali ah. Taas macnaheedu waa si dabiici ah looma heli karo curiyahan. Sidoo kale, isotopeka kali ah ee dagan waa Kobernishiyaam-285 (285Cd) taasi oo leh cimri aad u yar, 29 ilbiriqsi.

Curiyahan waxaa markii ugu horeeysay la sameeyay sanadkii 1996dii xarun cilmi-baadhis oo ku taala dalka Jarmalka, waxayna ugu magac dareen xidigisyahan Nicolaus Copernicus.


Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]