Neefta Gobta

Ka Wikipedia

Neefta Gobta (Noble Gas)

Curiyaha Hiliyaam.
Curiyaha Niyoon
Curiyaha Aargoon
Curiyaha kiribtoon

Neefaha Gobta (ingiriis: Noble Gas) waa guuto curiyeyaal neef ah kuwaas oo leh astaamo kimiko isku mid ah.

Marka xaalada caadiga ah dhamaantood waa hawo bilaa ur, bilaa midab ah kuwaas oo leh falgal hooseeya.

Neefaha gobta ah waa lixda curiye ee guruubka 18aad ee Diwaanka Curiye kuwaas oo kala ah: Hiliyaam (He), Niyoon (Ne), Aargon (Ar), Kiribtoon (Kr), Siinoon (Xe) iyo curiyaha radioactiveka ah Raadhoon (Rn).

Hab-dhaqanka neefaha gobta ah waxaa lagu ogaan karaa dersida qaabdhismeedka atomkooda, qolofkooda sare iyo isku dhisyada ay sameeyaan. Barta dhalaalida iyo kululeynta neefahan waa mid isku dhow taas oo ka hooseysa 10 °C (18 °F); taas micnaheedu waa farqi yar oo heerkul ah ayay dareere ku noqon karaan.

Niyoon, Aargoon, Siinoon, iyo Kiribtoon waxaa laga soo dhex saaraa hawada cirka, halka hiliyaamta laga dhex helo neefaha dabiiciga ee shidaalka laga soo saaro.