Saraar

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Saraar

sarar

صرآر
Dalka  Somaliland
Gobol Saraar
Dowlada
 • Badhasaabka Ahmed mohamed hashi
Bedka
 • Land 500 km2 (200 sq mi)
Tirada dadka
 • Dhammaan 100.480
Aag saacadeed UTC+3 (EAT)
Furaha +252

Saraar waa Gobolka u dhexeysa Togdheer iyo gobolka Cayn.

Caasimada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada Caynabo ayaa ah magalada caasimada u ah Gobolka saraar waana magalada ugu weyn, gobolka waxa ku yala Banka saraar oo aad u Qurux badan xilliga roobka iyo barwaaqada. Waa mid weyn dherer iyo Ballac intu legyahay waa kii Faysal Cumar Mushteeg lahaa. " Tan iyo xalay waan soo soconnee, Saraari ma jidkii Siraad baa". Waxa loogu wanqalay Gobolka Saraar oo ay Caasimad u tahay Degmada Caynaba.

=Qabiil[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Laamaha HJ ee Saraar ku dhaqan waxaa ka mid ah Reeryoonis; cali barre; reeriidle; Cumar jibriil ; Solomadow; HY sacad yoonis. Saraar dhinaceeda koonfur-bari waxaa ku dhaqan reer darawiish, gaar ahaan hareeraha Guumeys, gaar ahaan jilibada ka mid ah Jaamac Siyaad.

Tirada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa Gobolka Saraar ku dhawaad Boqol Kun. 50.000 waxa doorashada inay codeeyaan iska diiwaangaliyey 31-kun oo cod bixiye.wana gobolki ugu codka badna marka laga yimado 6da gobol ee waweyn. Waa gobol xoolo dhaqato, Beeralay, iyo Ganacsato.

Waa xaruntii Colkii Soocane ee Cumar Jibriil iyo reeryoonis ee uu Hoggaamiyaha ka ahaa Kite Fiqi Yuusuf ( Kite Fiqe) waa xarunt abwaankii iyo Abaanduulihii Geesiga ahaa Maxamuud Jaamac Nuux ( Maxamuud Daallin).

Xagga Ganacsiga waxa ka soo jeeda Cabdi cawed cali (indhadeero) iyo Qaasin Qodax oo ahaa xiddigo xoolahoodu ifiyey guud ahaan dhulka Soomaalida gaar ahaanna Soomaalilaan.

Xagga Diinta waxa ka soo jeeda Sheekh Cali Warsame oo ahaa Aasaasihii Al-itixaad qaybtii  Soomaaliya.

Caanbax[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mar kale Saraar waa gurigii Dhaqanka Beelaha Habrjeclo iyo xaruntii dhaqanka. Suldaan Cali Muuse ayaa ka soo jeeda. Xilka waxa maanta haya Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali. Chief Caaqilkii guud Reer Yoonis ama Cismaan Yoonis Cheif Caaqil Maxamuud Xasan Bidde.

Halgankii SNM waxa ka soo jeeda Mujaahid Aadan Tarabbi Jaamac (Tuug-Tarabbi) oo ahaa aasaasihii Guutada 7-aad ee SNM. Guutaale oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee qori gaadhi saara. Cabdiraxmaan Maxamed Case oo ahaa Taliyihii Guuto koowaad snm

  • Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa garabkii siyaasadda SNM.
  • baashe diig , oo ahaa Ninkii afduubay diyaaradii Somali airline 1984kii
  • Aadan Saxar,
  • Xirsi Gaanni,
  • Abaar Warsame,
  • Maxamed yare,
  • Mataanihii Alla Magan, Maxamed Cali Madoobe, Cawil Xaashi Cali-geri ( Cawil Maandhar),
  • Cheif Caaqil Cali Xirsi
  • Cismaan Maxamuud Jaamac (Dawiil) oo ahaa Oday dhaqameed Ruug cadaa ah oo Saraar iyo Soomaalilaanba wax weyn ka qabtay.

degmooyinka gobolka saraar[wax ka badal | wax ka badal xogta]