Shaarbo

Ka Wikipedia
Nin aad u shaarbo wayn.

Shaarbo sidoo kale loo yaqaano Shaarub (ingiriis: Mustache) waa timo badan oo wejiga dadka kasoo baxa inta u dhexeeysa sanka hoostiisa iyo faruurta sare ee afka.

Sida caadiga ah, Shaarbuhu waxay ka soo baxaan raga markeey qaangaadh noqdaan, laakiin waxaa jira dumar leh shaarbo khafiif ah.

Dadka qaar waxay leeyihiin shaarbo iyo gadh wayn oo qariya dhamaan labada daan afka dushiisa iyo hoostiisa ilaa dhuunta laga gaadhayo.

Raga qaar waxay leeyihiin shaarbo iyo xoogaa timo ah oo afka hoostiisa ku yaala ayagoon dhabanada wax timo ah ku lahayn.

Sidoo kale, niman badan ma laha wax gadh iyo shaarbo toona waxaana loo yaqaanaa gadhmalays.

Akhrinta sii socota[wax ka badal | wax ka badal xogta]