Sincarro

Ka Wikipedia

Sincarro waa degmo ku taala gobolka sanaag gar ahaan waxay bari ka xigta Garadag oo u jirto 35km, waxaa marta wadada tooska ah ee ka baxda degmada Oog iyo mida ka soo baxda Ceel-afweyn, waana jidka xidhiidhiya Togdheeer iyo Magaalooyinka bariga sida Boosaaso iyo Ceerigaabo. waxa waqooyi ka xiga (fadhigaab) dhanka koonfurna Tuulada Faraguul waxa dega qabiilka isaaq, (habarjeclo), (biciide), (Reer iidle). Waxaa Maayir ka ah "Xasan Maxamuud Maxamed Suubiye" waxaa aas aasay oo Magaalo ka dhigay kana dhistay guryihii u horeeyay "Maxamuud Maxamed Suubiye" oo horena u soo noqday Maayirka Sincaro waxa ku yaala Ceel biyood caana oo xooluhu ka cabaan oo eebe ku sameeyay, dadka degan magaalada tirakoobka laga hayaa waa 5,000 oo qof. waana goob cod bixineed oo ay ku xisaabtamaan madaxda y sharaxan Hogaanka Somaliland.