Caabudwaaq

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Caabudwaaq waa Magaalada ugu wayn gobolka Galgaduud waa (Af Soomaali: Caabudwaaq, Arabic:عابدواغ , English: Abudwaq or Abudwak).

Iyada oo magaalada Caabudwaaq ay deganyihiin dhamaan dadka Soomaalida hayb walba, waxaa dega qabiilka Mareexaan, gaar ahaan Reer Ugaas Faarax, Wagardhac, Habar Ciisse, Celi iyo Reer Siyaad Xuseen.

Wax walba meel ayay ka bilowdaane, Caabudwaaq waxaa xili dhexaadkii deegaan rasmi ah ka dhigay ganacsiga hoteelada. Nin Cabcasar la yiraah ayaa ka dhistay makhaayadii ugu waynayd. Wixii intaa ka dabmeeyay taariikh ayay noqotay sida ay ku dhisantay magaalada Caabudwaaq.


Qoraalka gudaha oo kooban

Taariikh [Wax ka bedel]

Caabudwaaq waxay deegaan heer Ceel waxay yeelatay 1958 waxaana sal dhig u ahaa alaha naxariistii jano siiyee xaaji xaashi jaamac garri waxuuna ahaa,nin ay ehel yihiin xaaji dabcasar (xirsi akaal )labadaas oday oo lahaa magaalada qadiimiga ah ama faras magaalaha waxaa weheliyay odayaal badan oo mareexaan ah qaara soomaali ahaa oo gadaal kasoo dagay siina horu mariyay magaalada waxay ahaayeen odayaashii qoday baraagihii ugu horeeyay oo hada barkadahaasi ay cabudwaaq dhaaftay oo gudaha magaaladu dhinac waliba u dhaaftay tuulo, magaalo iyo degmo inay noqoto mudo 70 ilaa 90 sano hada laga joogo. Deegaankii uu casriyeeyay Dabcasar ayaa magaalada Caabudwaaq ka dhigay magaalo rasmi ah.

Dowladihii wadanka mid walba qadarin iyo qiimeyn ayay siisay ilaa magaalada Caabudwaaq ay noqotay degmada ay haatan tahay. magaalada caabud waaq waxaa ku yaal geed miri miri ah oo uu beeray alaha u naxariistee xaashi jaamac oo hada dadka magaaladu u yaqaan doqon ma waaye oo kuyaal dhexda magaalada magaalada qoysaskaan badani ma daganayn waxay soo dageen dagaaladii kadib waa soo bara kaceen sida reer balanbal iyo reer dhabad ama galiinsoor taariikh badan baan ka haynaa laakiin waa horu dhac hadaad rabto taariikh buuxda tag caabud waaq oo aad ka heli doonto waxii macluumaad ah

Juquraafi [Wax ka bedel]

Magaalada Caabudwaaq waxay dhacdaa dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud, galbeed wadada dheer ee isku xirta gobolada koonfureed iyo waqooyi ee Soomaaliya.

Dhanka koonfureed magaalada ugu wayn ee Caabduwaaq ugu dhow waa magaalada Baladwayne. Dhanka waqooyi magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dhow. Magaalada Caabudwaaq koonfur, galbeed iyo waqooyi waxaa kaga teedsan magaalooyinka Balanbal, Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Bulshada [Wax ka bedel]

Magaalada Caabudwaaq dadkeeda dhowr tiro ayaa lagu sheegaa balse tirada mar walba waa agagaarka 200,000 ilaa 210,000.

Caabudwaaq oo martisoorka ku wanaagsan ayaa waxay noqotay magaalo soo jiidata ganacsiga gaadiidka u kala goosha gobolada wadanka.

Maamulka Degmada Caabudwaaq [Wax ka bedel]

Caabudwaaq waa magaalo Madaxda ehelusunada soomaaliya oo hadal hayntiisa aad soomaaliya ugu xoogan tahay ahna nidaamyada soomaaliya ka jira kuwa ugu xoog wayn uuna madax u yahay sheekh u dhashay deegaanka caabudwaaq waxayna ku jiraan horumaro sida samaynta garoon diyaaradeed iyo sugida abniga duminta dhismaha sharci darada ah iyo horumarinta arimaha diinta iyo bulshada

Horay waxaa magaalada xiliyadii colaada ka howlgali jiray gollaha guurtida odayaal dhaqameedyada iyo iskaashi dhanka ehlu diinka deegaanka.

Ganacsiga iyo Dhaqaalaha [Wax ka bedel]

Caabudwaaq waxaa soo maray marxalado iyo heerar kala duwan waxaana bulshada Caabudwaaq ay aad u xasuustaan waayihii Cagabararka oo bilowday berigii qaxa iyo barakac ka dhacay magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Sanadadii Cagababarka 1992-1995 waxaa ay Caabudwaaq noqotay goob amaan isla markaana noqotay xarunta ganacsiga iyo kala gediska gaadiidka shixnadaha ganacsiga sida kuwa waqooyi ka yimid iyo kuwo koonfur ka yimid oo iyagu markaa aan xor u aheyn inay toos isugu gudbaan. Magaalo kale oo markaas xaqdhowrtay ganacsigaas ma jirin; dhanka waqooyi iyo dhanka koonfureed toona.

Magaalooyinka kale ee koonfurta wadanka sanadadaas waxay ahaayeen goobo dadka lagu xasuuqo amni daro aad u darana ka jireen.

Caafimaadka [Wax ka bedel]

Degmada Caabudwaaq waxaa ka howlgala Isbitaalka Xadiya oo uu agaasime ka yahay Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Warsame. Dr. Cabdirisaaq iyo taageerayaashiisa waxay ku hanwaynyihii in mudo gaaban ka dib Caabudwaaq noqoto rugta caafimaad ee Baladwayne, Adis Ababa ilaa Gaalkacyo looga yimaado.

Isbitaalka Hooyooyinka iyo Caruurta ee Caabudwaaq (IHCC) oo furmay bishii 9aad 2009 ayaa sidoo kale ka howlgala magaalada Caabudwaaq. IHCC wuxuu gacansaar iyo wadashaqayn la leeyahay Isbitaalka Hooyooyinka iyo Caruurta ee Baardheere.

Iskaashi xaga tababarada ah ee xirfadaha adeegyada caafimaadka ayaa ka jira Isbitaalka Xadiya, IHCC iyo Isbitaalka Hooyooyinka iyo Caruurta ee Baardheere.

Waxbarashada [Wax ka bedel]

Caabudwaaq dugsiyadeeda waxaa taageera labada urur ee Soomaaliya oo dhan caanka ka ah HIRDA iyo IQRA. Dugsiyo hoose dhexe, sare iyo xarumo bixiya waaxbarashada dadka waaweyn ayaa

Urur la yiraah Badbaadada ayaa wuxuu gacanta ku hayaa xarunta ugu balaaran ee waxbarashada dadka waaweyn.


Degmooyinka rasmiga ah Gobalka Galguduud Soomaaliya
Caabudwaaq · Cadaado · Ceelbuur · Ceeldheer · Dhuusamareeb