Galdogob

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Galdogob

Galdogob waa magaaalo ku taal Somalia waxana daga BEESHA LEELKKASE . Galdogob waa magalo ku taala Gobolka Mudug waxaa ay dhinaca galbeed ka xigtaa magaalada galkacyo cabir ahaan 80 km. Galdogob waxaa ay ka mid tahay tahay magaalooyinka ugu waawayn maamul goboleedka puntland. magaalada galdogob ayaa leh addeeg bulsho oo hagaagsan.magaaladu waxaa ay leedahay koronto joogto ah iyo biyo aan kala go,o lahayn.

Magalada galdogob waxaa ay ka mid tahay,ahaana jirtay magaalooyinka ugu nabada badan Soomaaliya. Dadka daga magaalada oo ka kooban qabaa,ilo kala gadisan ayaa ayaa ah kuwo si wada jira oga shaqeeyay nabada.nabada ay ku naalooto galdogob iyo hagarla,aanta jaaliyadaha reer galdogob ee ku nool dibadaha ayaa xawaare aad u xoogan gashay horumarka dhinacyada kala gadisan ee magaalada.inkasta oo ay galdogob ku guulaysatay horumarka xaga dhismaha,baaxada ,adeega bulshada iyo ganacsiga fudud hadana waxay si buuxda ugu guuldaraysatay hanaan siyaasad oo aan isbedelin. Dadka reer galdogob oo ah muxaafidiin xagga dhaqanka ah ayaa sameeyay maamulfurfuran. , ,, ,dhamuuke shire, iyo rag kale oo baddan siyaasiyiintaan ayaa isugu jira kuwo heer deegaan,heer gobol ilaa heer caalami. xagga dhaqanka waa magaalo ku fiican dhaqanka iyo nidaamkii geed hoostiis. .

WAXBARASHADA GALDOGOB.

Galdogob waxaa magaalo ku caan ah waxbarashada iyo aqoonta , Magaalada waxa ku yaaala goobo waxbarasho kuwaasi oo dadwaynuhu kaga faaidaystaan si wanaagsan.

Guud ahaan magaalada waxaa ku yaala in kabadan 4dugsi sare, 3 machad sare , iyo sidoo kale 2jaamaacadoood..

Dugsiga sare ee galdogob secondry school ayaa kamid ah iskoolada ugu wanaagsan dhanka tacliinta guud ahaan deeganada puntland isaga oo kaalmo sare kasoo gala Natiijooyinka imtixaaanada puntlland....

Dugsiga sare ee caynu shamsi , dugsiga kulmiye, dugsiga alnuur, dugsiga cirro, ayaa ah iskuulada kale ee kuyaala magaaalada iyo deegaanada hoos yimaada..

Suugaan yahanada galdogob[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Abwaano gabay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xagga suugaanta Galdogob waxaa ka soo baxay abwaano caan ka ah dalka Soomaaliya, laguna tixgaliyo awooddoodda cabirka suugaanta, abwaanadaan ayaa waxaa ka mid ah hargaanti Ciise Hiraabay, oo ah nin si aad ah loogga yaqaana dalka iyo dibada, waxaa kaloo ka mid ah abwaan Cabdinaasir Cali Daahir Shabac Dhagadheere oo ah nin looga haybaysto maansada. Sida taariikhda lagu hayo waxaa Galdogob ka soo baxay abwaano ku xeel dheer maansada, dhalinyaro ku dhaadata dhaqanka iyo gabdho ku faanna idaha. Abwaanada taariikhda galay oo aan lagu soo koobi karin bog ama labo waxaan u kala qaybinaynaa labo qaybood. Abwaanada casrigii hore iyo abwaanada casriga hadda joogga. Abwaanada casirigii hore waxaan u samaynaynaa bog ka gaar ah. Abwaanada casriga hadda ah waxaan ka xusaynaa labo ilaa affar, inta kalana waxaad ka raadsataa bogga abwaanada Galdogob.

Abwaanada hadda: Gabyaa sare Iyo Halgamayaal Waa Weyn

  1. Cabdiqaadir BagaaG Fanaanka Weyn Ee Soomaaliyeed
  2. Aabihii Calanka Soomaaliyeed Sameeyey Maxamed Cawaale Liibaan
  3. Maxamd faarax idaajaa
  4. Abdiraxman hoosh jibriil oo ah qareen iyo garyaqaan soomaaliyeed (sameeyihii dastuurka somalia )
  5. Aqoonyahan Abdisalam yusuf haji oo ah macalin aad wax uga badalay sare u qaadida tacliinta degmada.

Abwaanada aan xusnay ee tusaalaha ah boqolaal abwaan oo kala joogga dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaa ay ka gabyaan dhammaan xaaladaha kala gedisan ee bulshadda,dalka iyo xaaladaha markaas jira. waxaa jidha in magaaladaani soo saartay qaar ka mid ah dadkii Soomaaliya ugu taariikhda dheeraa, sida Xassan Cadaawe, iyo Cali Daahir Shabac.


Magaalooyinka Gobolka Mudug Calanka Soomaaliya
Abaarey · Afgumasoorey · Cagaaran · Bacadweyne · Bajeela · Balanballe · Bandiiradley · Bardagool · Beyra · Bitaale · Budbud · Bur Saalax · Ceel Dibir · Ceel Huur · Colguula · Dabarroow · Dagaari · Dajimaale · Docol · Duqaaqa · Gacanfare · Galbarwaaqo · Galinsoor · Gawaan Dheere · Godad · Golol · Gowlalo · Halabookhad · Haraahur · Hiilalaaye · Hilmo · Iidaan · Laanwaaleey · Laasa Cadale · Laguraqsay · Mirsaale · Qansaxle · Qaranrow · Qarqoora Dheer · Qaydara · Qosoltire · Rigoomane · Roox · Sabacad · Saqiiro · Saxaqurun · Sedex Xigle · Wanakir · Wargalo · Wisil · Xero Dhagaxley · Xiindawaco · Xingood