Gaalkacyo

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Gaalkacyo

Gaalkacyo waa degmo ku taalo bartamaha dalka Soomaaliya, waxayna tahay magaalo madaxda gobolka Mudug. Gaalkacyo waa magaalada labaad ee ugu weyn Puntland waxaa dega oo awood xoogan ku Leh qabiilada Majeerteen, Leelkase iyo Habar Gidir oo Sacad ah degana koonfurta Gaalkacyo.

Magaalada gaalkacyo waxaa ka dhacay sanadkii 1991 dagaalo sokeeye oo u dhexeeyey beelaha walaalaha ah ee Daarood iyo hawiye waxaana dagaalkaasi ka dib magaalada sanadkii 1993 dib ugu soo wada laabtay beelaha Soomaaliyeed ee halkaasi wada daga.

1998 ayaa dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee ay dagaan beesha Majeerteen iyo leelkase waxay nasiib u yeesheen in ay qayb ka noqoto dowlada Puntland . Magaalada gaalkcyo waxaa kuyaalo goobo waxbarasho oo badan sida dugsiga sare ee cumar samatar {omar samater secondary school} oo ku baxa luuqada ingiriiska iyo dugsiga (xaaji cali biixi) oo ku baxa luuqada carabiga ah dugsigan oo ka mid ah dugsyada loo yaqaano (IMAAMU NAWAAWI SCHOOLS). gaalkacayo ayaa ah magaaloyinka ugu waa wayn somaliya uguna quruxda badan xaga dadka dhaqanka iyo dagaankaba gaalkacyo ayaa ah magaalo ku taal meel aad u wanaagsan oo ah qalbiga somaliya macnaha bartamaha galaakacayo ayaa waxay ahayd magaalooyinkii ugu hor horeeyay xaga hormarka ellecterica taas oo ay ka dhisnaayeen ama ay iska bar bar shaqayn jireen labo shirkadod oo nalka iyo telefonada ah shirkadahaas oo algu magacaabo (golis iyo galkom) taas oo ay u sababtay in ay noqoto magaalooyinka somaliya kuwii ugu horeeyey oo satareelka laga arko aragtidaas oo ah mid dhalaalkeeda iyo nuurka ka soo baxayo lala yaabo taas oo ay sabaabteedu lahayd shirkadahaas.


[Wax ka bedel] aragti guud gaalkacayo

Magaalda gaalkacayo waxa kunool dad gaadhaya 500,000 oo qof waxa ay kutaalaa badhtamaha soomaaliya gaar ahaan gobolka mudug waxa ay qiyaas ahaan bada kasaraysaa 290mtr gobolka mudug wa gobolka ugu balaadhan gobolada dalka somaliya ugu wayn marka lagarebo bari galkacyo waxay ku talaa gobolka mudug geeskisa waxay u dhow dahay garowe mamulka putland waxuu ka taliyaa Magaalada galkacyo. degmooyinka gobolka mudug waxa gacanta ku haya Maamulka puntland state. (mudug unuversity) waxana wax ka barta dhalinyaro badan oo ka kalayimid gobolada dalka somaliya gaar ahaan gobolada dhexe 'waxa ku yaal iskoolo badan oo iskugu jira sare iyo dhexe iyo hoose dugsiyada sare waxa ugu caan san dugsiyada sare {dugsiga sare mudug. iyo dugsiga sare alshacab iyo dugsiga sare albadar iyo dugsiga sare c/dulahi ciise iyo dugsiga calanlay dugsiyada dhexe hoose way badan yihiin



Degmooyinka Gobolka Mudug Calanka Soomaaliya
Bacaadweyne · Beere · Bursaalax · Cammaara · Dhoobey · Gaalkacyo · Galdogob · Galisoor · Harardheere · Harfo · Hero Jale · Hobyo · Jirriiban
Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale