Kayseri

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Kayseri
—  Magaalada Kayseri  —
Xukunka
 • Mayor Mehmet Özhaseki (AKP)
Joogga 1,050 m (3,440 ft)
Tirada dadka (2011)
 • Guud ahaan 1,234,651
Website www.kayseri.bel.tr
www.kayseri.gov.tr

Kayseri waa magaalo ku taala bartamaha wadanka Turkiga waana caasimadda gobolka Kayseri, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas islamarkaana ugu hormarsan haday noqoto dhaqaale, warshaddo, waxbarasho iyo waliba xagga dalxiiska oo ay Kayseri caanku tahay gaar ahaan booqashoyinka dhaqanka iyo arimaha taariikhiga ah.

Kayseri waxaa mara wabiga Zamanti, sidoo kale waxaa ku taal buurta Erciyes oo ah buur-barafeed dalxiisayaashu aad u jecelyihiin. waana magaalada uu kasoo jeedo madaxweynaha Turkiga mudane Abdullahi Gul.

Dhaqaalaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Magaaladan waa mid barwaaqo sooran ah waxa ayna caanka tahay dhanka warshadaha waxaana ku yaalo warshado dhowr boqol kor u dhaafaya oo soo saara dhamaan badeecooyinka kala duwan, sida dharka, rooggaga, shamiintada, elektirooniga, qalabka dhismaha, qalabka baabuurta, agabka guryaha iyo xafiisyada iyo kuwo kale. dhamaan badeecooyinkaas kala duwan waxaa loo iibgeeyaa suuqyada gudaha iyo kuwa caalamka.

Gaadiidka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Kayseri waxaa ku yaala gagida dayuuradaha caalamiga ee Erkilet International Airport waana mid ka mida garoomada ugu mashquulka badan dalkaas. waxaa dalka intiisa kale ku xira khadka tareenka dheereeya sidoo kale magaaladu gudaheeda waxaa ka shaqeeya trams lagu magacaabo Kayseray.

Isboortiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Waxaa ka dhisan labo kooxood oo ka dheela heerka 1aad ee horyaalka kubadda cagta Super Lig ee Turkiga waxaana lakala dhaha; Kayserspor iyo Kayseri Erciyesspor waxa ayna ku dheelaan garoonkooda Kadir Has oo qaada inka badan 33000 taageero yaal garoonkaasoo xariga laga jaray 2009kii, Kayseri waxay kaloo leedahay kooxo kubada kolayga, golfka, tenniska ah iyo waliba qaar kale.

Magaalada waxay kaloo caan ku tahay ciyaaraha barafka iyo tartanka baaskiiladda.

Waxbarashada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Jaamacadda Erciyes waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn guud ahaan Turkiga waxaana lagu bartaa culuumta kala duwan gabi ahaantood, waxaana dhigta in ka badan 50000 arday oo ay ka mid yihiin arday soomali ah oo dalkaas deeq waxbarasho siiyey, sidoo kale waxaa ku ayaala seddex jaamacadood oo kale magacyadooduna kala yahiin: Abdullah Gül University, Melikşah University iyo Nuh Naci Yazgan University.