Maryama al-Qibtiyya

Ka Wikipedia

Maariya Al-Qibtiyya

Xaasaska Nebi Muxamed
Khaddiija bint Khuwaylid

Sowda bint Zamca

Ca'isha bint Abi Bakr

Xafsa bint Cumar

Saynab bint Khuzayma

Hinda bint Abi Umayya

Saynab bint Jahsh

Juwayriyya bint al-Xarith

Safiyya bint Huyayy

Ramla bint Abi Sufyan

Maymuna bint al-Harith

Maryama al-Qibtiyya

Rayhana bint Zayd

Ummu Al-Mu'miniin.

Maryama al-Qibtiyya (ingiriis: Maria al-Qibtiyya; carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, "Maariya Al-Qabdiya") ku dhalatey deegaano ka mid ah wadanka Masar sanadkii 592 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 637 C.D, waxay ahayd qof dumar adoon ah oo ka soo jeeda wadanka Masar, taasi oo ah ooridii 10aad ee Nebi Muxamed[1]. Maryama ama Maariya waxaa loo soo diray nebiga hadiyad ahaan, markee soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Mariya waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Xaasaskii Rasuulka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dumarka Rasuulka
Magaca Xaaska Wakhtiga uu Qabay Tirada Caruurta
Khaddiija 595 ilaa 619 C.D
Sowda 619 ilaa 632 C.D -
Caisha 619 ilaa 632 C.D -
Xafsa 624 ilaa 632 C.D -
Saynab 625 ilaa 627 C.D -
Hinda 629 ilaa 632 C.D -
Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D -
Juwayriya 628 ilaa 632 C.D -
Safiyya 629 ilaa 632 C.D -
Ramla 628 ilaa 632 C.D -
Maymuna 630 ilaa 632 C.D -
Maryama 630 ilaa 632 C.D
Rayhana 629 ilaa 632 C.D -

Qoyska Nebi Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban (13) kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Mu'miniinta” "Umahaatul al-Mu'miniin".

Allah Subxanahu Wa Tacaala wuxuu dhahay:

اَلنَّبِيُّ اَوْلٰى بِا لْمُؤْمِنِيْنَ مِنْ اَنْفُسِهِمْ وَاَ زْوَا جُهٗۤ اُمَّهٰتُهُمْ ۗ وَاُ ولُوا الْاَ رْحَا مِ بَعْضُهُمْ اَوْلٰى بِبَعْضٍ فِيْ كِتٰبِ اللّٰهِ مِنَ الْمُؤْمِنِيْنَ وَا لْمُهٰجِرِيْنَ اِلَّاۤ اَنْ تَفْعَلُوْۤا اِلٰۤى اَوْلِيٰٓئِكُمْ مَّعْرُوْفًا ۗ كَا نَ ذٰ لِكَ فِى الْكِتٰبِ مَسْطُوْرًا[2]

Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine

Hijriyada Ka Hor hor iyo ka dib:

  • Hijrada Ka Dib: oo ah wakhtigii nebiga iyo asxaabtu u soo kicitimeen isla markaana u soo Hijroodeen magaalada Medina, wakhtigaasi oo ka soo bilaabmaya sanadkii 622 C.D ilaa laga soo gaadho goortii nebigu geeriyooday ee sanadkii 632.

Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan. Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[3]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee uu nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.

Maab muujinaya xabaalaha qaar ka mid ah Xaasaska iyo gabdhaha uu dhalay Rasuulka.


Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[4]

Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.

Goortii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey. Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.

Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna uu guursadey, waxayna u dhashay wiil Ibraahim[5]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]


  1. "ingiriis: Maria al-Qibtiyya; carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, "Maariya Al-Qabdiya""
  2. "Quraan suurad Al Axsaab aayada 6aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
  3. "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
  4. "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
  5. "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar"