Shiiq Saciid Yaxye

Ka Wikipedia

Shiiq Saciid Yaxye Maxamad waxa uu ka mid ahaa culumada ugu waaweyn ee Jamaacada Tabliiqa gudaha Soomaaliya, waxa uuna ahaa maamulaha Masjidka Al-Hidaaya

Shiiq Saciid waxa uu ku dhashay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1965, waxaana ay waalidiintiisa ku bilaabeen xifdinta Qur'aanka iyo tarbiyada islaamka. Shiiq Shariif Sharafow ayaa ahaa shiiqa gaarka ah uu shiiq Saciid ka bartay Diinta islaamka gaar ahaan Tafsiirka oo uu ka aqrin jiray Masjidka Arbaco rukun ee ku yaala degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Shiiq Saciid waxa uu dalka ka baxay 1978 asiga oona ganacsi u aaday dalka Sucuudiga, 1980kii ayuuna dib ugu soo laabtay dalka waxa uuna ganacsigiisii u soo wareejiyay Muqdisho.

Afar sano ka dib imaatankiisa Soomaaliya waxa uu goob lagu iibiyo Spare Parts-ka gawaarida ka furtay xaafada Beyxaani ee degmada Shibis, taas oo ilaa maanta shaqeyso laguna magacaabo "Garruun", intuu noolaay ayuu ku wareejiyay walaalkiis Maxamad Yaxye.

1980kii Shiiq Saciid iyo culimo kale oo ka mid ahaayeen Sh. Ibraahim suuleey iyo sh. Shariif Sharafow waxaa xiray nadaamkii dikteetarka ahaa ee waagaas talada haayay, waxaana la geeyay xaruuntii FIAT ayagoona lagula kacay jirdil, balse 25 bari ka dib waa la iska sii daayay markii wax marmarsiyo ah lagu waayay.

Sh. Saciid waxa uu ahaa mid ku fidinta dacwada Soomaaliya si weyn uga qeyb qaatay, isaga oo la oran karo Gobol, Degmo iyo Tuulo waliba oo dalka ka mid ah waxa uu u tagay gaarsiinta dacwada islaamka oo uu ku dhex jiray mudo 25 sano ah, iyada oo dalka dibadiisa sidaas oo kale u tagay faafinta dacwada islaamka.

Marar badan uu dhibaato kala kulmay ma ayna ka reebin dacwadii uu waday, waxaa ka mid ahayd mar ay ciidanka gumeysiga itoobiya ku xireen asaga sh Ismaaciil magaalada Beydhabo xilli ay howlo dacwo ugu socdeen magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Sanadkii 2007-da culumo dhowr ah uu ku jiro sh. Saciid Yaxye ayaa waxay ciidamada gumeystaha itoobiya ka qafaasheen deegaanka Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe isla markaana waxa ay ku xireen xabsi ku yaala CID-da, halkaas oo ku jireen mudo todobaad ah.

Ugu dambeyn 19kii Abriil 2008 ayaa galab itoobiyaanku galeen Masjidka Al-Hidaaya oo uu shiiqu ka mid ahaa maamulkiisa sare, waxa ayna ku xasuuqeen 21 wadaad uu shiiqu ka mid ahaa waliba dilal fool xun sida gowrac iyo isku jabin qofka oo dhan, sidoo kale waxa ay afduubteen afartan arday oo masjidka diinta ku baraneysay, raq iyo raad dambana laguma arag.